Wararka aan ka heleyno aagga xanunta Xalane iyo garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa sheegay in gow dhaw ay halkaas ku soo dhaceen dhowr madfac oo la aaminsan yahay inay yihiin hoobiyeyaal.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in illaa seddax jug ay ka maqleen xerada Xalane iyo nawaaxigeeda, waxaana loo maleynayaa in madaafiicdaas ay soo tooreen Al-Shabaab, in kastoo aysan weli jirin sheegasho rasmi ah.

Al-Shabaab ayaa marar badan weerarro ay u adeegsadeen qoriga hoobiyaha waxa ay ku qaadeen xerada Xalane uu fadhi u ah hey’adaha Qaramada Midoobey iyo safaarado dhowr ah.

Xaruntaas sugidda ammaankeeda waxaa gacanta ku haya ciidamada midowga Afrika ee AMISOM, balse waxay u tag la’yihiin weerarrada uga imaanaya Al-Shabaab ee loo adeegsado qoriga loo yaqaano hoobiyaha.

Ad by Valueimpression

Toddobaadyo ka hor dhawr hoobiye oo Al-Shabaab ay ku tureen xarunta Xalane ayaa dad rayid ah iyo xool u badnaa Geel wax yeelo badan ugu geystay xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo xaruntaas ay ku taallo.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, sidoo kale ma jirto cid ka hadashay, lamana weli hadii uu jiro khasaare ka dhashay.

 

Sponsored by Revcontent

Up Next

The One Thing Windows Users Should Do Before Turning Off Their Computer
Camden Millionaire Reveals How to Get Rich with Bitcoin, Without Buying Bitcoin
It Should Have Never Leaked: But Know You Can Multiply Your Money
Camden Gran Stuns Dermatologists: Removes Her Wrinkles with This £4 Tip
People in Camden Are Becoming Rich Thanks to This Bitcoin System
The Blue Pill is Doomed! Forget About ED, Do This Instead! (Easy)
Doctor: Belly Fat Burning Tip Celebrities Don’t Want You to Know
Rich People in Camden Want This Video Banned from the Internet! Watch Now
Drink 1 Cup Before Bed, Watch Your Body Fat Melt Like Crazy!