GLOBAL NEWS

Wasi­irka gashaand­higa oo Maanta Booq­day Ci­idamada Ku Xaraysan Jaa­macada Kismaayo (SAWIRO)


Wasi­irka Gashaand­higa Dawlada Soomaaliya Cab­diqaadir Sh.Cali Di­ini ayaa Maanta Booq­day Askarta ku Xaraysan Jaa­macada Ma­g­a­al­ada Kismaayo kuwaas oo kal Hore laga soo Xa­reeyay Dee­ganka Sab­casharaf oo ay mudo Da­ganay­een.

Askarta halkaas ku Xaraysan Ayaa sheegay in Ay Aad ugu Faraxsan yihiin Booqashada uu Wasiirku ugu Yimid iyaga oo sheegay in ay Xaaladoodu Aad u Wanaagsan tahay Daryeel Fiicana ay halkaas ku haystaan iyaga oo sheegay in Aysan Jirin inaba ha yaratee wax ay tabayaan.

Waxaa kale oo ay Askarta ku Xaraysan Jaa­macada ma­g­a­al­ada Kismaayo ay Shee­gen in ay Diyaar u yi­hiin kamid No­qoshada Ci­idamada Xooga Dalka soomaaliya Ayna Mu­dadii Ay Jaa­macada ku Jireen Ay Halkaas ku Qa­teen Layli Askarin­imo.

Madaxweyne ku xigeenka Koobad Ee Dawlada Jub­ba­land oo Dhanki­isa halkaas Hadal ka Jeediyay Ayaa shee­gay in Dawlada Jub­ba­land ay xil iska Saar­tay sidii Dhan Walba looga Dhisi la­haa Askarta jaa­macada ku Xaraysan is­aga oo in­taas hadalki­isa Raaciyay in ay Cu­naan Cunto Wanaagsan Jiif Aad u sa­reeyana ay Haystaan is­aga oo Hoosta ka Xari­iqay in Caafi­madka Askar­taas si Joogta ah loola socdo.

Wasi­irka gaashand­higa ayaa sidoo kale Booq­day 60 Askari oo katir­san Ci­idamada Qal­abka sida Ee Dawlada Jub­ba­land kuwaas oo Dhawaan tababar loogu Qaadi Doono Dalka Imaaradka Carabta oo Xiriir Saxi­ib­tin­imo uu ka Dhex­eeyo Dawlada Jub­ba­land.

Wasi­irka gaashand­higa ayaa Ci­idamada kula Dar­d­aar­may in ay ka Faa’i­i­daystaan Fur­sada Qaaliga ah Ee ay Haystaan oo wixii ay Dalka Dibadi­isa ku­soo bar­taan ay dalka uga Faa’i­ideyan.

Wasi­irka gaashand­higa Soomaaliya Cab­diqaadir Sh.Cali Di­ini oo la had­layay Ci­idamada kal Hore laga soo Xa­reeyay Dee­gaanka sab­casharaf ayaa shee­gay in Dhis­maha Ci­idamada Qal­abka sida ay ka Qayb gali doo­nan ayna Dalkooda Di­faaci doo­nan.