GLOBAL NEWS

Wasiirka Amniga Qaranka oo xaqiijiyay in aan la xirin Shaqaalaha Diyaaraddii Dhacday


Wasiirka Amniga Qaranka Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa xaqiijiyay in shaqaalihii diyaaraddii dhawaan ku dhacday duleedka degmada Afgooye ee raashinka u wadday AMISOM aan la xirin oo ay deggen yihiin mid ka mid ah hoteellada Muqdisho iyagoo xor ah.

Shaqaalaha diyaaradan oo dhawaan ku dhacday duleedka Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose oo ahaa lix ruux ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin; Taariq Bayonmay, Ahmed Baradaj, Mohamed Subxi, Shaxata Shanoni, Alaa Raflax iyo Salah Abdi Sadaq.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa in shaqaalihii diyaaraddii raashinka u wadday AMISOM ee ku dhacday dhawaan agagaarka degmada Afgooye aan la xirin oo ay xorriyadooda haystaan, sidoo klaena baasaboorradoodii haystaan, ayna deggen yihiin mid ka mid ah hoteellada ku yaalla Muqdisho,” ayuu wasiirka amnigu u sheegay .

Sidoo kale, wasiirka amniga ayaa sheegay in shaqaalahan lagu wado inay berri dalkoodii u dhoofaan, isagoo si kulul u beeniyay wararka sheegaya in la xiray oo warbaahinta qaarkeed ay maanta baahiyeen.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Airbus 300 ayaa waxaa iska lahayd shirkad lagu magacaabo Tristar oo ka diiwaan-gashan Masar, iyadoo xilli habeen ah ku soo aadday Muqdisho, balse degi waday, markaas kaddibna ku dhacday Carbiska oo ku dhow degmada Afgooye.

Raashinkii ay diyaaraddan u wadday ciidamada AMISOM ayaa dhamaantiis laga dajiyay iyadoo aanay jirin wax gaaray, shaqaalihii diyaaraddana waxaa la badbadiyay iyadoo aanay waxba soo gaarin.

Ugu dambeyn, agaasimaha waaxda saadaasha hawada Somalia, C/waaxid Sh. Cumar ayaa sheegay isla habeenkii ay diyaaraddu dhacday inay kasoo saari doonaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan shilka diyaaraddan.