GLOBAL NEWS

Wasi­irka Am­niga Qaranka oo xaqi­ijiyay in aan la xirin Shaqaalaha Diyaarad­dii Dhac­day


Wasi­irka Am­niga Qaranka So­ma­lia, C/​risaaq Cumar Max­amed ayaa xaqi­ijiyay in shaqaal­i­hii diyaarad­dii dhawaan ku dhac­day duleedka deg­mada Af­gooye ee raashinka u wad­day AMI­SOM aan la xirin oo ay deggen yi­hiin mid ka mid ah ho­teel­lada Muqdisho iya­goo xor ah.

Shaqaalaha diyaaradan oo dhawaan ku dhac­day duleedka Af­gooye ee gob­olka Shabeel­lada Hoose oo ahaa lix ruux ayaa waxay ma­g­a­cyadoodu kala yi­hiin; Taariq Bay­on­may, Ahmed Baradaj, Mo­hamed Subxi, Shax­ata Shanoni, Alaa Raflax iyo Salah Abdi Sadaq.

“Wax­aan idiin xaqi­iji­nayaa in shaqaal­i­hii diyaarad­dii raashinka u wad­day AMI­SOM ee ku dhac­day dhawaan aga­gaarka deg­mada Af­gooye aan la xirin oo ay xor­riyadooda haystaan, sidoo klaena baasa­boor­radoo­dii haystaan, ayna deggen yi­hiin mid ka mid ah ho­teel­lada ku yaalla Muqdisho,” ayuu wasi­irka am­nigu u shee­gay .

Sidoo kale, wasi­irka am­niga ayaa shee­gay in shaqaala­han lagu wado inay berri dalkoodii u dhoofaan, is­a­goo si ku­lul u beeniyay wararka shee­gaya in la xi­ray oo war­baahinta qaar­keed ay maanta baahiy­een.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Air­bus 300 ayaa waxaa iska la­hayd shirkad lagu ma­g­a­caabo Tris­tar oo ka di­i­waan-gashan Masar, iyadoo xilli habeen ah ku soo aad­day Muqdisho, balse degi wa­day, markaas kadd­ibna ku dhac­day Car­biska oo ku dhow deg­mada Af­gooye.

Raashinkii ay diyaarad­dan u wad­day ci­idamada AMI­SOM ayaa dhamaan­tiis laga da­jiyay iyadoo aanay jirin wax gaaray, shaqaal­i­hii diyaarad­dana waxaa la bad­badiyay iyadoo aanay waxba soo gaarin.

Ugu dambeyn, agaasimaha waaxda saadaasha hawada So­ma­lia, C/​waaxid Sh. Cumar ayaa shee­gay isla habeenkii ay diyaaraddu dhac­day inay ka­soo saari doon­aan war­bixin dhamey­sti­ran oo ku saab­san shilka diyaarad­dan.