GLOBAL NEWS

Wasiir ku Xigeenka Shaqada XFS oo Kormeeray Guryaha African Villag ee Muqdisho


Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumada Somalia, Cismaan Libaax Ibraahim ayaa maanta kormeerka ku tagay dhisamayaasha African Village oo ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir, isagoo kulammo la qaatay guddi ay iska soo xuleen shacabka ku nool guryaha African Village.

African Village oo caan ka ah magaalada Muqdisho ayaa waxaa la dhisay sanadku markuu ahaa 1974-kii, waxaana loogu magac-daray xaafadda African Village.

Dhismooyinkan ayaa ahaa kuwo loogu talo-galay wafdigii Midowga Africa oo isugu jiray; madaxweynayaal, wasiirro iyo madax kale oo qaarada Afrika ka socday, si ay deegaan ugu ahaato muddada uu shirka socdo, iyadoo markuu shirku dhamaaday waxaa lagu wareejiyay wasaaradda shaqada, iyadoo deegaan looga dhigay mas’uuliyiinta wasaradda.

Guddiga ku casuumay wasiir ku xigeenka inuu soo kormeero deegaanka African Village ayaa ujeedkiisu ahaa inay soo tusaan xaaladda ay African Village ku sugan tahay, waxayna sharaxaad ka bixiyeen xaaladda African Village.

Sidoo kale, dhismayaasha African Village ayaa ka kooban 11 dhisme oo toddoba ka mid ah ay yihiin min afar dabaq, afarta kalena ay yihiin min saddex dabaq. Qayb ahaan guryahan ayaa u dhisan; saddex qol, kushiin iyo musqul, iyadoo qaybta kalena ay u dhisan tahay min toddoba qol, laba musqulood, laba qol oo fadhi ah iyo musqul.

Kormeerka uu maanta wasiir ku xigeenka shaqada ku tagay African Village ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo mas’uul dowladdan ka tirsan uu ku tago. waxaana socdaalkiisan qayb ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda shaqada, madaxda qaybta ciidamada booliiska iyo taliyaha saldhigga booliiska degmada Hodan.

Goobaha uu soo kormeeray wasiir ku xigeenka ayaa waxaa ka mid ahaa qaybta deegaanka iyo qaybo ganacsi iyo waxbarasho isugu jira ay kusoo kordhiyeen dadka dagganka ku nool.

“Waxaan boggaadinayaa guddiga, kormeerka maanta waa mid loo baahnaa inaan idin kugu imaado goor hore, balse maanta ayay ii suuro-gashay, waxaad rabtid inaad sheegtidna waa inaad aragtaa, hadda waan ogaaday xaaladda African Village ay ku sugan tahay iyo weliba hawlaha ka socdo, waxaana rajeynayaa in aan kulammo gaar ah yeelanno shacabka deggen African Village, gaar ahaan dadka mehradaha ku haysto,” ayuu yiri Cismaan Libaax.

Ugu dambeyn, taliyaha saldhigga booliiska degmada Hodan, Xuseen Maxamed Cabdi ayaa isagana sheegay inay kaalin mug leh ka qaadan doonaan amniga iyo dib-u-dhiska African Village xilli walba oo loo baahdo.