GLOBAL NEWS

Wasiir ku Xigeenka Shaqada XFS oo Ko­rmeeray Guryaha African Vil­lag ee Muqdisho


Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo ar­rimaha bul­shada xuku­umada So­ma­lia, Cis­maan Libaax Ibraahim ayaa maanta ko­rmeerka ku tagay dhisamayaasha African Vil­lage oo ku yaalla deg­mada Ho­dan ee gob­olka Ba­naadir, is­a­goo ku­lammo la qaatay guddi ay iska soo xuleen sha­cabka ku nool guryaha African Vil­lage.

African Vil­lage oo caan ka ah ma­g­a­al­ada Muqdisho ayaa waxaa la dhisay sanadku markuu ahaa 1974-kii, wax­aana loogu ma­gac-daray xaafadda African Vil­lage.

Dhis­mooyinkan ayaa ahaa kuwo loogu talo-galay wafdigii Mi­d­owga Africa oo isugu ji­ray; madaxwey­nayaal, wasi­irro iyo madax kale oo qaarada Afrika ka soc­day, si ay dee­gaan ugu ahaato mud­dada uu shirka socdo, iyadoo markuu shirku dhamaa­day waxaa lagu wa­ree­jiyay wasaaradda shaqada, iyadoo dee­gaan looga dhi­gay mas’u­uliyi­inta wasaradda.

Gud­diga ku ca­su­umay wasiir ku xigeenka inuu soo ko­rmeero dee­gaanka African Vil­lage ayaa ujeed­ki­isu ahaa inay soo tusaan xaal­adda ay African Vil­lage ku sugan tahay, wax­ayna sharax­aad ka bixiy­een xaal­adda African Vil­lage.

Sidoo kale, dhis­mayaasha African Vil­lage ayaa ka kooban 11 dhisme oo tod­doba ka mid ah ay yi­hiin min afar dabaq, afarta kalena ay yi­hiin min sad­dex dabaq. Qayb ahaan gurya­han ayaa u dhisan; sad­dex qol, kushiin iyo musqul, iyadoo qaybta kalena ay u dhisan tahay min tod­doba qol, laba musqulood, laba qol oo fadhi ah iyo musqul.

Ko­rmeerka uu maanta wasiir ku xigeenka shaqada ku tagay African Vil­lage ayaa no­qon­aya kii ugu hor­reeyay oo mas’uul dowlad­dan ka tir­san uu ku tago. wax­aana soc­daalki­isan qayb ka ahaa mas’u­uliyiin ka so­co­tay wasaaradda shaqada, madaxda qaybta ci­idamada booli­iska iyo taliyaha sald­higga booli­iska deg­mada Ho­dan.

Goobaha uu soo ko­rmeeray wasiir ku xigeenka ayaa waxaa ka mid ahaa qaybta dee­gaanka iyo qaybo ganacsi iyo waxbarasho isugu jira ay ku­soo ko­rd­hiy­een dadka dag­ganka ku nool.

“Wax­aan bog­gaad­i­nayaa gud­diga, ko­rmeerka maanta waa mid loo baah­naa in­aan idin kugu imaado goor hore, balse maanta ayay ii su­uro-gashay, wax­aad rabtid in­aad sheegtidna waa in­aad arag­taa, hadda waan ogaa­day xaal­adda African Vil­lage ay ku sugan tahay iyo weliba hawlaha ka socdo, wax­aana ra­jey­nayaa in aan ku­lammo gaar ah yee­lanno sha­cabka deggen African Vil­lage, gaar ahaan dadka mehradaha ku haysto,” ayuu yiri Cis­maan Libaax.

Ugu dambeyn, taliyaha sald­higga booli­iska deg­mada Ho­dan, Xuseen Max­amed Cabdi ayaa is­agana shee­gay inay kaalin mug leh ka qaadan doon­aan am­niga iyo dib-u-dhiska African Vil­lage xilli walba oo loo baahdo.