GLOBAL NEWS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka hadashay dhismaha Maamulka Hiiraan & Shabeelada dhexe


Wasaaradda arrimaha gudaha & federaalka Somalia ayaa ka dhawaajisay in dhawaan la guda-geli doono hawsha maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, kaasoo ka dib dhacay xilligii lagu waday inuu qabsoomo.

Agaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha Somalia, Cali Abtidoon Xalane ayaa sheegay in wasaaraddu ay dar-dar-gelin doonto howlaha maamul u sameynta labada gobol, isla markaana dhawaan la dhameystiri doono guddigii farsamada ee dhismaha maamulkan.

“Hawsha maamulka loogu sameynayo gobolladan waxaa qaban doona guddi farsamo oo madax-bannaan, kuwaasoo ka imaanaya dadka ku nool labada gobol, waxaana la isku raacay tirada guddigaas, kaasoo dhawaan la magcaabi doono,” ayuu yiri Xalane.

Sidoo kale, agaasimaha ayaa intaas ku daray in hawsha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe la guda-geli doono marka uu dalka dib ugu soo laabtaan ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha Somalia oo ku maqan magaalada New York ee dalka Mareykanka.

“Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa u xilsaaran dhameystirka dhismaha maamullada gobollada, xukuumaddana waajib ayaa ka saaran sidii loo sameyn lahaa maamulladan. Hawsha maamul u sameynta gobolladan waxaa la billaabayaa marka ay yimaadaan RW Somalia iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo hada ku maqan New York,” ayuu mar kale yiri agaasimuhu.

Heshiiska dhismaha maamulka labadan gobol ayaa waxaa bishii August ee sannadkan lagu saxiixay Muqdisho, inkastoo uu hakad ku yimid qorshihii wasaaradda ee lagu dhisi lahaa maamulkan.

Ugu dambeyn, arrimaha la isku mari la’yahay ayaa waxaa ka mid ah halka lagu qabanayo shirka ama magaalada marti-gelinaysa, waxaa kaloo jirta in si aad ah loogu kala aragti duwan yahay qodobbo ka mid ah habka lagu dhisayo maamulkan.