GLOBAL NEWS

Wasaaradda Ar­rimaha Gu­daha oo ka hadashay dhis­maha Maa­mulka Hi­iraan & Shabee­lada dhexe


Wasaaradda ar­rimaha gu­daha & fed­er­aalka So­ma­lia ayaa ka dhawaa­jisay in dhawaan la guda-geli doono haw­sha maa­mul u sameynta gob­ol­lada Hi­iraan iyo Shabeel­lada Dhexe, kaa­soo ka dib dha­cay xil­ligii lagu wa­day inuu qab­soomo.

Agaasimaha wasaaradda ar­rimaha gu­daha So­ma­lia, Cali Abti­doon Xalane ayaa shee­gay in wasaaraddu ay dar-dar-gelin doonto howlaha maa­mul u sameynta labada gobol, isla markaana dhawaan la dhamey­stiri doono gud­digii farsamada ee dhis­maha maa­mulkan.

“Haw­sha maa­mulka loogu samey­nayo gob­ol­ladan waxaa qa­ban doona guddi farsamo oo madax-ban­naan, kuwaa­soo ka imaanaya dadka ku nool labada gobol, wax­aana la isku raa­cay tirada gud­di­gaas, kaa­soo dhawaan la mag­caabi doono,” ayuu yiri Xalane.

Sidoo kale, agaasimaha ayaa in­taas ku daray in haw­sha maa­mul u sameynta Hi­iraan iyo Shabeel­lada Dhexe la guda-geli doono marka uu dalka dib ugu soo laab­taan ra’i­isul wasaaraha iyo wasi­irka ar­rimaha gu­daha So­ma­lia oo ku maqan ma­g­a­al­ada New York ee dalka Mareykanka.

“Wasaaradda ar­rimaha gu­daha iyo fed­er­aalka ayaa u xil­saaran dhamey­stirka dhis­maha maa­mul­lada gob­ol­lada, xuku­umad­dana waa­jib ayaa ka saaran sidii loo sameyn la­haa maa­mul­ladan. Haw­sha maa­mul u sameynta gob­ol­ladan waxaa la bil­laabayaa marka ay yi­maadaan RW So­ma­lia iyo Wasi­irka Ar­rimaha Gu­daha oo hada ku maqan New York,” ayuu mar kale yiri agaasimuhu.

Hes­hi­iska dhis­maha maa­mulka labadan gobol ayaa waxaa bishii Au­gust ee san­nad­kan lagu saxi­ixay Muqdisho, inkas­too uu hakad ku yimid qor­shi­hii wasaaradda ee lagu dhisi la­haa maa­mulkan.

Ugu dambeyn, ar­rimaha la isku mari la’ya­hay ayaa waxaa ka mid ah halka lagu qa­banayo shirka ama ma­g­a­al­ada marti-geli­naysa, waxaa kaloo jirta in si aad ah loogu kala aragti duwan ya­hay qodobbo ka mid ah habka lagu dhisayo maa­mulkan.