GLOBAL NEWS

Wararka Maanta- Sabti, Oct 17, 2015 Wasiirka Maaliyada Somalia oo Saxiixay Heshiis ay Imaaraadku ku bixinayaan Mushaarka CXDS


Wasiirka maaliyada Somalia, Max’ed Aadan Farkeeti ayaa maanta Muqdisho ku saxiixay heshiis ay dowladda Imaaraadka carabtu ku bixinayso mushaaraadka ciidamada xoogga dalka, iyadoo Imaaraadkana uu u saxiixay heshiiskaan danjirahooda u fadhiya Somalia, Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Heshiiska ayaa waxaa qayb ka ahaa wasaaradda gaashaandhigga oo dhankeeda u saxiixay Abaanduulaha ciidamada xoogga, Jen. Cali Baashe iyo shirkadda Gorgor Solution oo loo xil-saaray bixinta mushaaradka ciidamada dowladda xoogga.

Abaanduulaha ciidanka xooga dalka, ayaa goobta ka sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in ciidanka loo helo mushaar joogto ah oo la qaato xilli go’an, taasoo wax weyn ka badali karta dhibaatooyinkii mushaaradka oo inta badan soo daahi jiray, waxaana dadajinaynaa dib u habaynta ciidamada oo hadda si wanaagsan u socota.

Sidoo kale, danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta ee Somalia ayaa dhankiisa sheegay in xariirka u dhaxeeya labada dal uu yahay mid aad u xooggan, sidaas darteedna aan go’aan-sannay inaan dowladda ka caawino bixinta mushaaradka ciidamadda, taasoo qayb ka ah mashaariicda aan ugu talo-galnay inaan kor ugu qaadno tasiilaadka dowladdu u baahan tahay.

Wasiirka maaliyadda Somalia ayaa dhankiisa xusay in dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka soo food-saaray ay sabab u noqotay inay daahaan mushaaraadka ciidamadda. Taasoo loo aanayn karo miisaaniyadda 2015-ka oo dib u dhac uu uga yimid qaybtii ay ku kabi jireen deeq-bixiyayaaha caalamka.

“Aad baan ugu faraxsanahay in maanta aan la saxiixano heshiis lagu bixinayo mushaarka ciidamada Somalia safiirka Imaaraadka Carabta ee Somalia, Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi oo runtii mar kasta u taagan sidii loo garab-istaagi lahaa dowladda Somalia. Xaqiiqdii bixinta mushaarka ciidanku wuxuu naga yareynayaa culayskii xagga dhaqaalaha ee naga haystay dhanka musharaadka, waxaana dadaal u galaynaa inaan dhaqso u bixino dhammaan mushaaradkii ka daahay ciidamada,” ayuu yiri wasiir Fargeeti.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay inuu uga mahad-celinayo ciidamada qalabka sida ee Somalia adkaysiga ay muujiyeen, hadda kaddibna ay joogto u heli doonaan mushaarkooda iyo dhammaan xuquuqaha ay leeyihiin.

Si kasta ha ahaatee, heshiiskan ayaa lagu xusin muddada ay dowladda Imaaraadka Carabtu ku bixinayso mushaarka ciidamada xoogga Soomaaliya, inkastoo heshiiskan uu noqonayo kii ugu horreeyay noociisa oo ay wada-saxiixdaan Somalia iyo Imaaraadka Carabta.