GLOBAL NEWS

Wararka Maanta- Sabti, Oct 17, 2015 Wasi­irka Maaliyada So­ma­lia oo Saxi­ixay Hes­hiis ay Imaaraadku ku bix­i­nayaan Mushaarka CXDS


Wasi­irka maaliyada So­ma­lia, Max’ed Aadan Far­keeti ayaa maanta Muqdisho ku saxi­ixay hes­hiis ay dowladda Imaaraadka carabtu ku bix­i­nayso mushaaraadka ci­idamada xoogga dalka, iyadoo Imaaraad­kana uu u saxi­ixay hes­hi­iskaan dan­ji­ra­hooda u fad­hiya So­ma­lia, Mo­hammed Ahmed Oth­man Al Ham­madi.

Hes­hi­iska ayaa waxaa qayb ka ahaa wasaaradda gaashaand­higga oo dhankeeda u saxi­ixay Abaan­du­u­laha ci­idamada xoogga, Jen. Cali Baashe iyo shirkadda Gor­gor So­lu­tion oo loo xil-saaray bix­inta mushaaradka ci­idamada dowladda xoogga.

Abaan­du­u­laha ci­idanka xooga dalka, ayaa goobta ka shee­gay inuu aad ugu faraxsan ya­hay in ci­idanka loo helo mushaar joogto ah oo la qaato xilli go’an, taa­soo wax weyn ka badali karta dhibaa­tooyinkii mushaaradka oo inta badan soo daahi ji­ray, wax­aana dada­ji­nay­naa dib u habaynta ci­idamada oo hadda si wanaagsan u so­cota.

Sidoo kale, dan­ji­raha dowladda Imaaraadka Carabta ee So­ma­lia ayaa dhanki­isa shee­gay in xari­irka u dhax­eeya labada dal uu ya­hay mid aad u xoog­gan, sidaas dar­teedna aan go’aan-san­nay in­aan dowladda ka caaw­ino bix­inta mushaaradka ci­idamadda, taa­soo qayb ka ah mashaari­icda aan ugu talo-gal­nay in­aan kor ugu qaadno tasi­ilaadka dowladdu u baa­han tahay.

Wasi­irka maaliyadda So­ma­lia ayaa dhanki­isa xusay in dhibaa­tooyinka dhaqaale ee dalka soo food-saaray ay sabab u no­qo­tay inay daa­haan mushaaraadka ci­idamadda. Taa­soo loo aanayn karo mi­isaaniyadda 2015-ka oo dib u dhac uu uga yimid qaybtii ay ku kabi jireen deeq-bixiyayaaha caalamka.

“Aad baan ugu faraxsana­hay in maanta aan la saxi­ix­ano hes­hiis lagu bix­i­nayo mushaarka ci­idamada So­ma­lia safi­irka Imaaraadka Carabta ee So­ma­lia, Mo­hammed Ahmed Oth­man Al Ham­madi oo run­tii mar kasta u taa­gan sidii loo garab-is­taagi la­haa dowladda So­ma­lia. Xaqi­iqdii bix­inta mushaarka ci­idanku wuxuu naga yarey­nayaa cu­layskii xagga dhaqaalaha ee naga haystay dhanka musharaadka, wax­aana dadaal u galay­naa in­aan dhaqso u bix­ino dham­maan mushaarad­kii ka daa­hay ci­idamada,” ayuu yiri wasiir Fargeeti.

Ugu dambeyn, Wasi­irka ayaa shee­gay inuu uga ma­had-celi­nayo ci­idamada qal­abka sida ee So­ma­lia ad­kaysiga ay muu­jiy­een, hadda kadd­ibna ay joogto u heli doon­aan mushaarkooda iyo dham­maan xuqu­uqaha ay leey­i­hiin.

Si kasta ha ahaa­tee, hes­hi­iskan ayaa lagu xusin mud­dada ay dowladda Imaaraadka Carabtu ku bix­i­nayso mushaarka ci­idamada xoogga Soomaaliya, inkas­too hes­hi­iskan uu no­qon­ayo kii ugu hor­reeyay nooci­isa oo ay wada-saxi­ix­daan So­ma­lia iyo Imaaraadka Carabta.