GLOBAL NEWS

War-murtiyeed kooban oo laga soo saaray Shirkii Madasha


Shirkii Madasha wadatashiga Qaranka ee ka socday magaalada Muqdisho ayaa la soo gebagebeeyey, kaasi oo soo saaray qoddobo dhawr ah, oo ay ugu muhiimsan yihiin:-

1. Inaan wax muddo kordhin ah loo sameyn hay’adaha dowladda Soomaaliya ee iminka jira.

2. In la dhiso laba aqal oo sharci dejin, oo kala ah aqalka sare iyo aqalka hoose.

3. In habka awood qeysbiga lagu salleeyo deegaan iyo qabiil isku dhaf ah.

4. In doorashada xubnaha labada gole ay ka dhacaan caasimadaha maamul goboleedyada dalka.

5. In tiro kuraas ah oo cayimin haweenka laga siiyo labada gole ee la dhisi doono.

Shirka Madasha Wada-tashiga oo ilaa maalintii Axadda ka socdey magaalada Muqdisho, hakadna u galay ismari-waa madaxda xubnaha ka ah madashaas, ayaa ugu dambeys, ay iska soo gebagebeeyeen, waxayna ku ballamayeen in 10ka bisha Janaanyo mar kale dib loo kulmo, lana sii amba-qaado wixii hadda la isku mari waayey.

Waxaa la filayaa in shirkaasi ka dhaco magaalada Kismaayo.