GLOBAL NEWS

Wafdi uu hogaam­i­nayo gu­doomiyaha gob­olka J/​hoose oo booq­day Dhoobleey


Gu­doomiyaha gob­olka J/​hoose Mu­dane C/​rashid Goono oo ay wehli­nay­een xubno ka tir­san gudiga qabyo-qo­raalka das­tu­urka Jub­ba­land ayaa maanta gaaray ma­g­a­al­ada Dhoobleey ee gob­olka J/​hooose.

Wafdi­gan uu hogaam­i­nayo gu­doomiyaha ayaa markii ay gaa­reen ma­g­a­al­ada Dhoobleey, waxaa si di­iran ugu soo dhaweeyay xubno ka tir­san maa­mulka dee­gaankaasi iyo saraakiil ka tir­san ci­idamada AMI­SOM.

Wafdiga ayaa in­taasi kadib loo dhaaciyay ma­g­a­al­ada, wax­aana in­taa kadib uu wafdigu ku­lan la qaatay qey­baha bul­shada ku dhaqan ma­g­a­al­ada Dhoobleey, iyadoo ujeedada sa­farka wafdigu ay ahayd in bul­shada dee­gaankaasi loo soo band­higo qabyo-qo­raalka das­tu­urka cusub ee maa­mulka Jub­ba­land.

Bul­shada ku dhaqan Dhoobleey ayaa ka doo­day qabyo-qo­raalka das­tu­urka, iya­goo aragti­dooda ka dhi­ib­tay qodobada ku qo­ran das­tu­urkaasi iyo weliba waxyaalaha ay doon­ayaan in laga badalo am­aba lagu ko­rd­hiyo.

Gu­doomiyaha gob­olka J/​hoose Mu­dane C/​rashiid Gooni ayaa shee­gay in ay doon­ayaan sidii bul­shada ku dhaqan dee­gaanada Ju­booyinka ay aragti­dooda uga dhi­iban la­haay­een das­tu­urka cusub ee la fi­layo in dhawaan la dhamey­stiro.