GLOBAL NEWS

Wafdi Caalami ah oo booqday maanta Kismaayo


Wafidgan ayaa ka kala socday ururada midowga yurub, Afrika, iyo urur goboleedka IGAD ayadoo ay ka mid ahaayen danjirayaasha Soomaaliya u fadhiya dalalka Britain, France, Itoobiya, iyo Talyaaniga.

Laba diyaarad oo siday wafdiga ayaa maanta (Talaado) soo caga dhigatay garoonka diyaradaha magalada Kismaayo.

Waxaa sidoo kale wafuuda soo dhaweeyay Madaxda maamulka KMG Jubba oo uu horkacayo hogaamiyaha maamulka KMG Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe).

Kulan socday mudo saacado ah ayeey madaxada maamulka iyo wafdiga wada qaateen ayadoo kulankaasi ay saxafada banaanka ka joogtay.

U qaybsamaha Midowga Yurub ee Soomaaliya Mkaa’iil oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin imaanshiyaha Kismaayo waxaana uu intaasi ku daray in ay maamulka Jubba ka caawin doonaan horumarinta deegaanka iyo arrimo la xariira ammaanka.

Axmed Madoobe oo isna gaba gabadii kulanka la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in wafdi heer sare ah uu maanta soo booqdo jubba asagoo intaasi ku daray in is faham dhex maray maamulka iyo wadiga.

Wafdigan maaanta booqday magalada Kismaayo ayaa noqonayo kii u balaarnaa inta uu maamulka Jubba jiro oo booqday Kismaayo.