GLOBAL NEWS

Tirada Xu­jey­dii Soomaaliy­eed ee ku Geeriy­oo­day Xa­jka oo Ko­ror­tay iyo Su­cu­udiga oo Is-di­faa­cay


Bo­qor­tooy­ada Su­cu­udi Cara­biya ayaa shilkii Sha­lay ka dha­cay Xa­jka uu ahaa Musi­ibo, iya­goo Shaaciyay in baar­i­taanno lagu Sameyn doon­aan shilkan. Dhaxal-sug­aha bo­qor­tooy­ada Saudi Ara­bia, Max­amed Bin Naayef uu isna shee­gay in la Ma­g­a­a­cabayo Guddi Ar­rin­taan soo baara isla markaana Nati­i­jada u gud­bisa bo­qorka.

Wasi­irka Caafi­maadka dalka Su­cu­udiga, Khaalid Al-faalix ayaa isna xusay in si degdeg ah loosoo band­higi doono tirada kama dambaysta ah ee Geerida, is­a­goo xusay in dhaawa­cuna uu gaarayo 863-xu­jeyn ah.

Tirada Xu­jeyda Soomaaliy­eed ee ku Geeriy­o­day shilkan ayaa il­laa hadda waxay marayaan tod­doba xaaji, iyadoo ay isi soo tarayaan dalalka Caalamka ee soo band­hi­gaya tirada dadka uga geeriy­oo­day shilkan.

Xuku­umadda Su­cu­udiga ayaa waxaa haysta Cadaadis iyadoo laga sug­ayo wixii ay ka dhici la­haay­een Shilkan ay Bo­qo­laalka Xu­jeyd ah ku dhin­teen, iyadoo Dalka Iiraan oo ka had­lay ar­rin­tan ay ku eedeey­een Su­cu­udiga inay shilkii Xa­jka ka dha­cay ay iyagu ka dambeeyaan, xur­guf co­laadeedna ay kala dhex­eyso.

Dowladda Iiraan ayaa sheeg­tay in 131-xaaji oo xu­jey ah oo ka mid ahaa kuwii ku dhin­tay sha­lay Xa­jka ay dal­keeda u dhasheen, 60-xaaji oo kalena ay kaga dhaawacmeen; inkas­too aysan shee­gin rag iyo du­mar sida ay kala ahaay­een.

Hog­gaamiyaha Ru­ux­iga ah ee Ka­caanka Isaamiga ah ee Iiraan, Ay­a­tol­lah Ali Khamenei ayaa shee­gay in dowladda Su­cu­udiga ay si xun u maa­muleen ar­rin­tan, taas oo uu shee­gay inay dhal­isay dhi­mashada xu­jeyda faraha badan.

Sidoo kale, Madaxwey­naha dalka Iran, Xasan Ru­ux­aani ayaa isna ku dhawaaqay in sad­dex maal­mood oo ba­roor-diiq ah ay samey­nayaan, si ay ugu mu­ru­goodaan xu­jeyda uga dhin­tay Xa­jka. Wux­u­una Su­cu­udiga ugu baaqay inay mas’u­uliyada dhibaatadaas aqbal­aan.

Kaddib Salaad­dii Jim­c­aha ee Maanta ayaa waxaa Xarunta dalka Iiraan ee Tehran isugu soo baxay dad­weyne badan oo dhi­gayay ban­naan­baxyo, kuwaa­soo ay Xuku­umadda Dalkaas ku Tilmaan­tay inay ka Careysan yi­hiin waxay ugu yeereen karti xu­mada Xuku­umadda Saudi Ara­bia.

Dhanka kale, Afhay­eenka Wasaaradda Ar­rimaha Gu­daha ee Bo­qor­tooy­ada Su­cu­udiga, Jen. Man­suur Turki ayaa ku Baaqay isla maanta in­aan lagu Deg-de­gin Shilkii ka Dha­cay Xa­jka, isla markaana aan laga hor-dhicin baarista lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen.

Tele­fishin laga leeya­hay dalka Saudi Ara­bia ayaa baahiay Maanta in Masar iyo Hindiya ay uga Geeriy­ood­een Shilkii xa­jka ka dha­cay 14- xaaji, halka Dalka Pak­istan ay uga dhin­teen Todobada Xaaji, Al­jeeriya iyo In­don­isiya ayaa xusay in sad­dex qof ay uga dhin­teen shilka.

Ugu dambeyn, Dawladda Ma­rooko ayaa iyadana xus­tay in 78 xaaji ay uga dhin­teen Shilka, Turki­guna ayaa shee­gay inay Raad­i­nayaan 18 xaaji oo aan la haynin, Dawladda Hol­land ay sheeg­tay inuu hal qof uga dhin­tay, halka Kenya ay sheeg­tay inay uga dhin­teen sad­dex qof.