GLOBAL NEWS

Taliyaha cusub ee Ci­idamada xoogga dalka iyo ku Xigeenki­isa oo Maanta la dhaariyay


Madaxwey­naha So­ma­lia Xasan Shi­ikh Max­a­m­uud ayaa maanta lagu Hor-dhaariyay Taliyaha Cusub ee Ci­idanka Xoogga Soomaaliya, S/​Gaas Max­amed Aadan Axmed iyo Abaan­du­u­laha CXDS, S/​Gu­uto Cali Baashi Max­amed Xaaji Cumar.

Dhaar­inta taliyeyaashan oo ka dhac­day Xarunta Madax­tooy­ada So­ma­lia ayaa waxaa hadal ka jeediyay Xasan Sheekh is­a­goo uu kula Dar-daarmey Madaxda cusub ee ci­idamada inay mee­sha kasii wadaan gu­u­laha iyo ho­ru­marka ci­idamadu sameey­een mud­dadii ay xilka hay­een madaxdii ka hor­reeyay.

Taliyaha Ci­idanka Xoogga Dalka iyo ku xigeenki­isa oo xi­lalkan dhawaan loo ma­g­a­caabay Xi­lalkan ayaa Waxaa maanta Dhaariyay Gud­doomiyaha Maxka­madda Sare ee Dalka, Avv. Cay­diid C/​llaahi Ilko-xanaf.

“Ci­idamada Xoogga waxay ku ta­laab­sadeen ho­ru­mar la taa­ban karo, dowlad­duna muhi­mad gaar ah ayay si­ineysa inay daboosho baahida ci­idanka. Nabad-di­id­kana waxaa la gaar­si­iyey jab xoog­gan, taana waxaa abaal­keeda leh ci­idamada Xoogga Dalka oo Garab­sanaya kuwa AMI­SOM,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa in­taas ku daray. “Wax­aan idin boor­ri­nayaa in­aad ka faa’ideysa­taan Ho­ru­marka ay sameey­een Taliyeyaasha idinka Hor­reeyay, isla markaana aad ka shaqeysaan tayeynta ci­idamada xoogga iyo in­aad wad­danka u horseed­daan inuu nabad-bu­uxda gaaro.’’

Ugu dambeyn, Taliyeyaashan maanta la dhaariyay oo dhankooda had­lay ayaa bal­lan­qaa­day inay howlaha loo ig­ma­day ka­soo bixi Doon­aan, wax­aana Xafladda dhaar­inta ah Goob-joog ka ahaa RW So­ma­lia, Cumar C/​rashiid Cali Shar­ma’arke, Mas’u­uliyiin ka Tir­san Go­laha Wasi­ir­rada Xuku­madda So­ma­lia iyo Xubno kale.