GLOBAL NEWS

Taliyaha Ci­idanka Xoogga oo Maanta Ko­rmeeray Hog­gaan­nada Ci­idamada Dalka


Taliyaha ci­idamada xoogga dalka Soomaaliya, Jen. Max­amed Aaden Axmed oo dhawaan xilka la wa­ree­gay ayaa maanta ko­rmeerro uu ugu kuur-galayay xaal­adda ci­idamada xoogga dalka ku tagay hog­gaan­nada ci­idanka xoogga iyo xarunta wasaaradda gaashaand­higga, is­a­goo war­bixin ka dhageystay saraaki­ishii ku sug­naa goobi­hii uu booq­day, is­a­goo dhanka kale ku­lan la qaatay saraakiil ka so­cota dalka Turkiga; kuwaa­soo gacan-si­iya taliska ci­idanka xoogga dalka So­ma­lia.

Jen. Max­amed Aadan ayaa wuxuu si weyn ugu kuur-galayay xaal­adda ay ci­idammadu ku shaqeeyaan, wux­u­una taliy­ihu booq­day dhis­mooyin ci­idamada ee ku bur­bu­ray da­gaal­ladii so­ke­eye ee dalka ka dha­cay.

“Wax­aan idinku am­maanayaa sida aad nafti­inna ugu hur­teen di­faaca & bad­baad­inta dalka, wax­aana ti­hiin geesiyaal Qaran, um­madda Soomaaliy­eedna waa inay taas ogaataa gacanna nagu si­iyaan sidii aan dal­keena cad­owga ku­soo du­u­lay uga sifeyn la­hayn. Wax­aan u jeedaa bur­bur iyo baahi kala duwan oo la rabo in si deg-deg ah wax looga qabto, waana midda aan hadda dadaalka ugu jirno sidii aanu wax uga qa­ban la­hayn,” ayuu yiri taliyaha CXDS oo la had­layay sharaaki­isha hog­gaan­nada ci­idamada.

Dhi­naca kale, taliyaha ci­idanka xoogga, Jen. Max­amed Aadan ayaa wuxuu ku qaa­bi­lay xafi­iski­isa saraakiil ka so­co­tay dawladda Turkiga, wux­una si aad ah ugu bo­gaadiyay gacanta ay si­iyaan mar walba dawladda iyo sha­cabka So­ma­lia.

Ugu dambeyn, taliyuhu wuxuu si gaar ah uga ma­had-caliyay Turkiga gacanta ay si­iyaan ci­idanka xoogga dalka; is­a­goona shee­gay in taliska guud ee ci­idamada xoogga dalku uu diyaar u ya­hay sidii uu wada-shaqayn dhaw ula yee­lan la­haa saraaki­isha maadaama ay ka mid yi­hiin dalalka taageera ci­idanka xoogga dalka.