GLOBAL NEWS

Taliska qaybta 4-aad ee AMI­SOM oo shee­gay inay Bu­ula-burte ka bax­day Go’­doonkii ay ku jir­tay


Taliska Qaybta Afaraad ee Hawl-galka Ci­idamada Mi­d­owga Afrika AMI­SOM ee gob­ol­lada dhexe ayaa shee­gay in wixii xili­gan ka dambeeya ay Deg­mada Bu­ula-burte ka bax­day go’­doonkii ay mu­dada dheer ku jir­tay.

Taliyaha Qaybta Afaraad ee Ci­idamada AMI­SOM, Col. C/​rax­maan Cabdi Dhim­bil ayaa u shee­gay War­baahinta in Ci­idamada Jabuuti ay si rasmi ah maanta ula Wa­reegeen Am­niga deg­mada Jalalaqsi oo ay ho­ray ugu sug­naay­een Ci­idamada Bu­rundi ee ka tir­san AMI­SOM.

“Deg­mada Jalalaqsi waxay ka mid tahay qaybta Afaraad ee aan madaxda u ahay ci­idamadii Bu­rundi Maanta ayay gu­ureen, iyadoo si rasmi ah am­niga deg­mada ula wa­ree­gay Ci­idanka Jabuut,” ayuu yiri Col Cab­doow.

Waxaa uu shee­gay in la wa­reegis­tan deg­mada Jalalaqsi ka dhi­gan tahay in deg­mada Bu­ula-burte ka bax­day go’­doonkii ay ku jir­tay.

“Hadda Deg­mada Bu­ula-burte ilaa Jowhar wadada isku xirta waan isku fur­nay, qayb ahaan Deg­mada waxaa la oran karaa way ka bax­day go’­doonkii ay ku jir­tay, dhi­naca wadada isku xirta Bu­ula-burte iyo Beled­weyne ay­eey xoog­gaa dhibaato ah ka jir­taa oo Al-shabaab ayaa jooga, laakiin Ci­idamadeena markii ay doon­aan waa ay maraan, Wux­u­una Qor­shuhu ya­hay in gabi ahaanba Wad­dada isku-xirta Bu­ula-burte iyo Beled­weyne la isku furo, la­gana saaro Al-shabaab,” ayuu yiri Col. Cab­doow.

Al-shabaab oo laga saaray deg­mada Bu­ula-burte sanad­kii hore ayaa muddo fog go’­doon ku hayay sha­cabka ku dhaqan deg­mada, oo ay ka xireen dhamaanba ji­dad­kii ay sahyada u soo maray­een.