GLOBAL NEWS

So­ma­liland oo di­i­day Qox­ooti Soomaaliy­eed oo ka­soo Cararay Yemen


Xuku­umadda So­ma­liland ayaa qox­ooti So­mali ah oo ka­soo cararay dalka Yemen u di­id­day inay ka de­gaan Dekedda Ma­g­a­al­ada Berbera kaddib markii ay dhawaan sheeg­tay in­aysan qaa­bili doonin Qox­ootiga Soomaaliya ka­soo jeeda ee ka­soo cararaya co­laadaha Yemen.

Doonida ay dad­kani saar­naay­een waxaa la soc­day muwaa­diniin u dhashay Dalka Yemen, wax­aana markii uu mark­abka halka­asi tagay is hor-taag ku sameeyay in dadka Soomaal­ida ah laga soo da­jiyo Ma­reeyaha Dekadda Berbera.

Maa­mulka Berbera oo iya­guna soo gaaray Dekadda ayaa ko­rmeeray dad­kaas si ay u kala hu­biyaan halka ay ka­soo jeedaana dee­gaan ahaan, dad­kaasi waxay u ba­teen kuwo ka­soo jeeda So­ma­liland.

Waxaa mee­sha ka dhashay mu­ran xoogan iyadoo dad­kii loo di­i­day inay da­gaan lagu am­ray in­aysan cagta soo dhigi karin Berbera, iyadoo dadka qaarkood ay ku good­iy­een inay badda isku tu­uri doon­aan had­dii loo di­ido inay dekedda ka da­gaan.

Hadd­aba haweenkii saar­naa mark­abka oo caruur ay ka xanu­un­sanay­een ayaa ku qayliyay in­aan la kala takoorin dadka Soomaaliy­eed, wax­ayna sheegeen inay iyaga iyo car­ru­ur­tooda badda isku shubayaan had­dii mark­abka laga da­jin waayo.

Ugu dambeyn, mu­ran iyo xani­baad dheer kaddib waxay wasi­ir­rada maa­mulka So­ma­liland ogo­laadeen in dad­kaas laga soo da­jiyo Mark­abka, inkas­too aan la ogeyn go’aanka ay ka qaadan doon­aan.