GLOBAL NEWS

Sheekh Axmed Madoobe oo isku Shaand­heyn ku sameeyay Qaar kamid ah Go­laha Wasi­irada Maa­mulki­isa


Madaxwey­naha Maa­mulka Jubba Sheekh Axmed Max­amed Is­laam (Axmed Madoobe) ayaa isku shaand­heyn waxa uu ku sameeyay qaar kamid ah Goli­hi­isa Wasi­irada, wax­aana xi­lalka loo kala badalay dhoor wasaaradood .

Isku Shaand­heynta Go­laha Wasi­irada uu ku sameeyay Madaxwey­naha Maa­mulka Jubba ayaa saameesay dhoor wasaaraood oo kala ah wasaaradda gaadi­idka iyo war­faafinta, mac­danta iyo biyaha, iyo Wasaarada maaliyadda.

Wasi­irkii hore ee Wasaarada Maaliyada Maa­mulka Jubba Max­amed Aw Yu­usuf ayaa loo wa­ree­jiyay Mac­danta iyo biyaha , halka Wasi­irkii hore ee War­faafinta Ibraahim Baa­juun isna loo badalay Wasaarada Maaliyada.

Cab­d­in­uur Cali Aadan oo ahaa Wasi­irkii Mac­danta iyo Biyaha Maa­mulka Jubba ayaa Wasaaradaasi laga qaa­day wax­aana loo wa­ree­jiyay wasaaradda gaadi­idka iyo war­faafinta.

Waa isku shaand­heyn­tii ugu horeesay oo lagu sameeyo Go­laha Wasi­irada Maa­mulka Jubba, wax­aana Maa­mulka­asi uu dhawaan yee­shay Baar­la­maan inka­too uu buuq ka dhashay baar­la­maankaasi ayna ka­soo hor­jeesteen beelo badan oo dega Gob­o­lada Ju­booyinka iyo Gedo.