GLOBAL NEWS

SHAR­MA’ARKE: Waxaa la Dhisayaa Maa­mulka Gob­ol­lada Hi­iraan iyo Shabeel­laha Dhexe


Ra’i­isal Wasaaraha So­ma­lia, Cumar C/​rashiid Cali ayaa shee­gay in xuku­umad­di­isu ay dadaal dheer ugu jirto dhis­maha maa­mul gob­olleedyad dalka, gaar ahaan maa­mul ay ku mideysan yi­hiin labada gobol ee Hi­iraan iyo Shabeel­lada Dhexe iyo ka miro-dhal­inta shirka loo fad­hiyo ma­g­a­al­ada Cadaado.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in ay rajo badan ka qabaan shirka dhismaha maamulka gobollada Galgudud iyo Mudug ee ka soconaya magaalada Cadaado, marka uu shirkaa soo dhamaadana sidda ugu dhaqsiyaha badan loo guda-gali doono dhismaha maamul ay ku mideysan yihiin gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

“Maa­mul u sameynta gob­ol­lada dhexe waa ay so­co­taa, waad ogti­hiin shir ayaa ka so­conaya ma­g­a­al­ada Cadaado, xuku­umada aan hogaamiyo guul ay­eey u tahay in uu shirkaa furmo, maxaa yeel­lay waqti ay­eey ar­rin­taa nagu qaa­datay, wax­aana ra­jey­nay­naa in sidda ugu dhaqsiyaha badan nati­ijo uga soo baxdo,, in­taa kaddib waxaa inoo qor­sheysan dhis­maha maa­mul u sameynta gob­ol­lada Hi­iraan iyo Shabeel­laha dhexe” ayuu yiri Cumar C/​rashiid.

Inkas­too ra’i­isal wasaaraha uu ka dhawaa­jiyay go’aanka dowladda ee ah dhis­maha maa­mul ay ku mideysan yi­hiin labada gobol ee Hi­iraan iyo Shabeel­laha dhexe, ayaa hadana dhi­naca kale waxaa soo if­bax­aya dood ar­rin­taa ka taa­gan, maadaama ay ji­raan siyaasiyiin iyo wax-garad ka soo jeeda gob­olka Hi­iraan oo qaba in madaxweyni­hii hore Shariif Sheekh Axmed Tikireeto ku ma­g­a­caabay gob­olka Shabeel­laha sare oo ka far­ca­may gob­olka Hi­raan, sidda daraadeed das­tu­urku aqbal­ayo dhis­maha maa­mul ka kooban labada gobol Hi­iraan iyo Shabeel­laha sare.

Ugu dambeyn, RW Shar­ma’arke ayaa dhi­naca kale shee­gay in xuku­umadi­isu mud­naan gaar ah si­ineyso am­maanka dalka oo dhan, is­agaoo ka dal­ba­day Sha­cabka in ay la Shaqeeyaan hay’adaha nabad-galyada.