GLOBAL NEWS

Sa­farkii ay Bay­d­habo ku tageen Madaxwey­naha iyo Wafdi la Soc­day


Madaxwey­naha So­ma­lia, Xasan Sheekh ayaa sha­lay booqasho ku tagay, Bay­d­habo is­a­goo ugu baaqay bul­shada, madaxda, odayaasha dhaqanka iyo urur­rada bul­shada ee maa­mulka Koon­fuur-gal­beed inay ka shaqeeyaan fududeynta sidii loo dhamey­stiri la­haa dhis­maha baar­la­maanka iyo baahinta xukunka.

Xasan Shi­ikh oo booqasho maalin ah ku taagy deg­mada Bay­d­habo ee xarunta gob­olka Bay ayaa hadal uu jeediyay mar uu ku­lan la qaatey qay­baha kala duwan ee bul­shada wuxuu aad uga had­lay xulista xild­hibaan­nada baar­la­maanka maa­mulka KMG ah ee Koon­fur-gal­beed.

“Maa­mulka KMG Koon­fuur-gal­beed Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka waxay qab­teen hawl-wanaagsan, balse wax­aad ogaataan in waqtiga aan haysano uu aad u yar ya­hay, la idinkana doon­ayo in­aad dhamey­stir­taan dhis­maha baar­la­maanka, kadd­ibna loo gudbo in deg­mooyinka iyo tu­u­looyinka iya­guna fur­sad loo si­iyo inay soo door­taan xub­ni­hii madaxda ama waki­ilada u no­qon la­haa,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxwey­naha So­ma­lia ayaa khud­bad­di­isa ku xusay in dowladda So­ma­lia iyo maa­mul­lada ka jira dalka ay wada­jir uga shaqey­nayaan qaabka ugu ha­boon ee loo de­ji­nayo qor­shaha siyaasadda iyo ho­ru­marka dalka.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa odayaasha dhaqanka ku am­maanay dadaalka ay ugu ji­raan dib u dhiska dalka iyo dhamey­stirka hanaanka dowlad­ni­mada, wux­u­una in­taas ku daray in doorka odayaasha uu sii jiri doono tan iyo inta dalka looga dhaqan-geli­nayo nidaam dimuqraadiyadeed oo dhamey­sti­ran, qof wal­bana uu xaq u yeesho inuu cod­ki­isa dhi­ibto.