GLOBAL NEWS

R/​Wasaaraha soomaaliya oo Si Weyn loogu soo Dhaweeyay Ma­g­a­al­ada Kismaayo


Waxaa manta Ma­g­a­al­ada Kismaayo soo gaashay Wafdi Bal­aad­han oo uu Hogaam­i­nayo R/​Wasaaraha

Waxaa ga­roonka Diyaaradaha Ee Ma­g­a­al­ada Kismaayo Wafdi­gan ku soo Dhaweeyay Madaxwey­naha Dawlada Jub­ba­land Seyid: Axmed max­amed is­laam ku xigeenki­isa Koobad Cab­dul­lahi Sh.is­maacil Far­taag Xubno ka Tir­san Labada gole Ee Dawlada Jub­ba­land iyo Qay­baha kala Duwan Ee Bul­shada.

Soo Dh­awayn kadib waxaa Wafdiga R/​Wasaaraha loo gal­biyay Qas­riga Madax­tooy­ada Dawlada Jub­ba­land Halkaas oo si Wada jir ah ay Sax­aafada ugula hadleen Madaxwey­naha Dawlada Jub­ba­land Axmed max­amed is­laam iyo R/​Wasaare Cumar cab­di­rashiid cali shar­maarke.

Madaxwey­naha Dawlada Jub­ba­land oo hadalka ku Hor­maray ayaa shee­gay in Ay Aad ugu Faraxsan yi­hiin in R/​Wasaarahii soo Dhisay Jub­ba­land in uu Maanta yi­maado Ma­g­a­al­ada Kismaayo wax­aana uu Madaxwey­nahu shee­gay in wixii jira wada hadal laga gali doono.

R/​Wasaaraha ayaa Dhanki­isa u Ma­had Celiyay Dawlada iyo sha­cabka Reer Jub­ba­land is­aga oo muu­jiyay sida uu ugu Faraxsan ya­hay imaan­shahi­isa ma­g­a­al­ada Kismaayo.