GLOBAL NEWS

RW So­ma­lia oo u Am­babaxay Dalka Mareykanka kuna baaqay joo­jinta Co­laadaha Mudug iyo Sool


Ra’i­isul Wasaaraha Xuku­umadda So­ma­lia, Cumar C/​rashiid Cali Shar­maarke oo Maanta Shir jaraa’id ku Qab­tay Xafi­iski­isa Muqdisho ayaa baaq nabadeed lagu joo­ji­nayo co­laadaha ka jira dee­gaanada Qo­ri­lay, Ma­g­a­clay iyo Dhulka Hawdka ah oo ka kala tir­san Gob­ol­lada Mudug iyo Sool.

Shar­ma’arke ayaa u jeediyay bee­laha Walaalaha ee co­laaduhu dhex­mar­tay inay joo­jiyaan co­laadda, isla markaana ka shaqeeyaan sidii Nabad loo dhex dhigi la­haa dadka Walaalaha ah ee Dee­gaan­nadaas kuwada nool.

“Waan ka Xuma­hay Da­gaal­lada ka dha­cay Dee­gaan­nada Qo­ri­lay iyo Ma­gac-lay, Wax­aana ugu baaqayaa dhi­na­cyada da­gaal­ladu u dhex­eeyaan in si shu­ruud la’aan ah ay ku joo­jiyaan. Da­gaal wiil-baa ku dhibta ee wiil kuma dhasho. Sida ke­liya ee lagu xallin karo khi­laafka ka jira Dee­gaan­nadaas waa wada-xaa­jood, wax­aana Xa­s­u­usi­nay­naa in da­gaal naf lagu waayo uu­san marn­aba xal no­qoneyn, taa­soo looga soo gud­bay xiligii Co­laadaha, Hadana wax­aan Hi­igsaney­naa Ho­ru­mar iyo mus­taqbal wanaagsan,” ayuu yiri Shar­ma’arke.

Sidoo kale, Ra’i­isul Wasaaraha So­ma­lia ayaa in­taa raaciyay in khadka tele­foonka uu kula Had­lay qaar ka mid ah odayaasha iyo Wax­garadka Dhi­na­cyada Co­laaddu u Dhex­eyso; isla markaana ay ka Aqbaleen inay khi­laafka ku xaliyaan Wada-xaa­jood, wax­ana dhi­iri geliyey cid walba oo gacan ka geysan karta sidii loo baa­jin la­haa dhiig kale oo daata.

RW So­ma­lia ayaa shirkiis jaraa’id uga had­lay Qaraxii dhawaan ay Al-shabaab ka geysteen halka laga soo galo ee Xarunta Madax­tooy­ada Qaranka, Wux­u­una Tacsi u di­ray Ehel­lada dham­maan dad­kii Co­laada­haas ku dhin­tay, Caafi­maadna u ra­jeeyey cid walba oo gacanta ar­gag­ix­isada ku dhaawac­may; is­gaoo sha­cabka Soomaaliya ugu baaqay meel inay uga soo wada-jeestaan cadawga um­madda Soomaaliy­eed ee Al-shabaab.

Dhanka kale, RW So­ma­lia ayaa faah-faahin ka bixiyay Sa­far uu Maanta ugu Am­babax­ayo New York; halka­a­soo uu kaga qey­bgeli doono Shir­wey­naha Guud ee Qara­mada Mi­doobay oo uu ka jeedin doono khud­bad. Wux­u­una sidoo kale ka Qayb-gali doonaa Shir Gaar ah oo ku saab­san Ar­rimaha Soomaaliya, kaa­sioo ka dhici doona Dalka Marey­naka, is­a­goo rajo ka muu­jiyay in shirkaas ay ka­soo bixi doon­aan qodobbo muhiim u ah Danaha iyo Ho­ru­marka So­ma­lia.

Ugu dambeyn, Shar­ma’arke ayaa xusay in So­ma­lia ay ku tal­laab sa­tay ho­ru­mar kala duwan Dhawrkii Bilood ee la­soo Dhaafay, Is­a­goo Hoosta ka Xari­iqay muddo gaa­ban Gu­da­hood in lagu soo Dhamay­stiri doono Maa­muul­lada aan weli la dhisin sida; Hi­iraan iyo Shabeel­lada Dhexe, Wux­u­una in­taa ku daray in loo Marayo Han­naan dib u Hes­hi­isi­ineed, isku-tanaa­sul iyo Wa­datashi lala yee­lanayo Qay­baha Bul­shada ee labada Gobol.