GLOBAL NEWS

RW So­ma­lia oo rajo ka muu­jiyay dib u howl-gelinta xawaal­adi­hii ay Kenya axyir­tay (Sawirro)


Jimco, Abriil 24, 2015 (HOL) — Ra’i­isul wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cab­di­rashiid Cali Shar­ma’arke oo ku sugan dalka Kenya ayaa kala had­lay madaxda Kenya sidii dib loogu furi la­haa shirkadaha xawaal­adaha ee ay dhawaan xayi­raadda ku­soo ro­geen.

Wakaal­lada wararka ee Reuters ayaa daabac­day in RW Shar­ma’arke uu ku saaray cadaadis dowladda Kenya sidii loogu fasixi la­haa shirkadi­hii ay ho­ray u xayireen howla­hooda shaqo, is­a­goo rajo ka muu­jiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu furi la­haa Xawaal­adaha ka howl­gala Nairobi.

“Kenya waxay ka shaqey­naysaa shar­ciyo cusub kuwaa­soo Xawaal­adaha ay ugu ogo­laan la­haay­een howla­hooda, bankiga dhexe ee dalka Kenya ayaana ar­rin­tan hor­muud ka ah,” ayuu yiri RW Shar­ma’arke oo la had­layay Reuters.

Sidoo kale, ra’i­isul wasaare Cumar ayaa shee­gay in tal­laa­booyin ku KMG ah la samey­nayo, iyadoo ay xigi doon­aan in la sameeyo shar­ciyo joogta ah, balse ma uu­san caddeyn xil­liga ras­miga ah ee shirkadaha Xawaal­adaha la fasax­ayo.