GLOBAL NEWS

Roobab ay dadka iyo du­un­yada ku di­ir­sadeen oo ka da’ay dee­gaano ka Tir­san Jub­bada Hoose


Roobab ay ku di­ir­sadeen dadka iyo du­un­yada ayaa si­weyn uga da’ay qeybo badan oo ka tir­san gob­olka J/​hoose iyadoo roob­a­bkani ay sababeen in ay is­taa­gaan isu socod­kii gaadi­idka ee gob­olka J/​hoose.

Roob­a­bkan ayaa waxa ay si­weyn uga da’een gob­olka J/​hoose, gaar ahaan dee­gaanada Hoost­aga deg­mooyinka, Kismaayo, Af­madow, Bad­haadhe, Dhoobleey iyo inta badan dee­gaanada gob­olka J/​hoose, wax­aana roob­a­bkani si­weyn uga di­ir­sa­day dadka iyo du­un­yada goobaha ay ka cur­teen.

Max’ed C/​laahi oo kamid ah shaqaalaha boos­t­ee­jada gadi­idka aada Dhoobleey ee ma­g­a­al­ada Kismaayo oo HOL u wara­may ayaa shee­gay in ay is­taageen dhaqd­haqaaqyadii gadi­idka is­aga kala gooshi ji­ray deg­mooyinka gob­olka J/​hoose.

“Boos­t­ee­jada wax gaadiid ah oo ka baxa ma ji­raan, roobab xoog­gan ayaa da’ay oo xi­ray wadooyinka isku xira deg­mooyinka gob­olka,” ayuu hadalki­isii raaciyay.

Gu­doomiyaha dee­gaanka Dhoobleey Siyaad Xasan Uleex oo qadka telee­fonka ugu wara­may shabakadda HOL ayaa shee­gay in roobab aad u xoog­gan ay ka da’een dee­gaanka Dhoobleey iyo dee­gaanada ku xeeran.

“Mash’al­lah Nimco Alle ayaa ku da’­day Dhoobleey iyo dee­gaanada ku xeeran, dadka iyo du­un­yadana way ku di­ir­sadeen, wax­ayna roob­a­bkani ku­soo beeg­meen xilli baahi loo qabay,” ayuu gu­doomiyaha hadalki­isii raaciyay.

Roob­a­bkan ka cur­tay gob­olka J/​hoose ayaa ku­soo beeg­maya iyadoo lagu gudo jiro xil­liga Gu’ga, wax­aana roobab kuwan lamid ah ay ka da’een gob­ollo badan oo ka tir­san dal­keenna Soomaaliya.