GLOBAL NEWS

Qurbo-joog ma­g­a­al­ada Bay­d­habo ka fur­tay xafiis maal­gashan doona beer­aha G/​Bay (SAWIRRO)


Hay’ad lagu ma­g­a­caabo BAFOF ayaa waxay maanta xafiis ka fur­teen ma­g­a­al­ada Bay­d­habo ee gob­olka Bay; iya­goo ku dhawaaqay inay maal-gelin ka samey­nayaan wax-soo-saarka Koon­furta Soomaaliya, wax­ayna in­taas ku da­reen inay keeni doonaa qalab fu­dadey­naya wax-soo-saarka beer­aha, sida maki­inadaha cas­riga ah.

Fu­ri­taanka xafi­iskan ayaa waxaa ka had­lay Qurbo-joog ku sug­nayd Bay­d­habo oo ay ka mid yi­hiin; Muxyadiin Sh. Cumar iyo Max­amed Mukhtaar, iyadoo ay goob-joog ka ahaay­een gud­diga beera­leyda gob­alka Bay iyo Wax­garadka Bay­d­habo.

Max­amed Aadan Qalinle iyo C/​qaadir Nuur Abuu oo goobta ka had­lay ayaa sheegeen in loo baa­han ya­hay maal-gelin dhi­naca wax-soo-saarka laga hir-geliyo ma­g­a­al­ada Bay­d­habo.

Sidoo kale, waxaa isna had­lay waki­ilka hay’adda BAFOF, Idriss Cabdi Axmed oo shee­gay howlaha ay qa­ban doon­aan ay ka mid yi­hiin; kobcinta beer­aha iyo soo saarista mal­abka; wux­u­una in­taa ku daray inay sidoo kale wax ka qa­ban doon­aan dhi­na­cyada kalu­umeysiga iyo xan­naaneynta di­gaagga, loo­guna iib-geyn la­haa su­uqyada caalamka.

Gob­alka Bay ayaa dhawaan waxaa ku­soo ko­rd­hiyaya Qurbo-joogta doon­aysa inay maal-gash­taan dalkooda, kuwaa­soo sameystay beero aad u waa-weyn oo soo saara khu­dradda, geed-miroodyo iyo xanaaneyta Shin­nida si ay u soo saaraan malab saafi ah.