GLOBAL NEWS

Qox­ootigii ugu Bad­naa ee ka­soo Carara Co­laada Yemen oo Maanta Gaaray Boosaaso (SAWIRRO)


Dekadda Ma­g­a­al­ada Boosaaso ayaa Waxaa maanta soo gaaray dooni sid­day Qox­ooti Soomaaliy­eed oo Yemen ka soo cararay, iyadoo qaarkood oo xanu­unno kala duwan qabay is­bitaal­lada loo qaa­day si loo daweeyo.

Qox­ooti­gan oo maanta gaaray Boosaaso oo Tiradoodu ahayd 1,723 ruux oo kala ahaa; 763 oo caruur ah, 581 oo Haween ah iyo 379 oo Rag ah ayaa waxaa ka muuq­day diif iyo daal, kuwaa­soo ka­soo kala waxay ma­g­a­alooyinka Sanca, Cadan, Ticish iyo Mukallah.

pomnj

Xuku­umadda Punt­land oo Kaashanaysa Sha­cabka ku Nool Boosaaso ayaa kawada Qayb-qaadanayay wax u qabashada Qox­ooti­gan ka­soo cararay Yemen, iyadoo markii doon­nida laga soo da­ji­iyay la si­iyay biyo iyo cun­nooyin.

Sidoo kale, Qox­ooti­gan ayaa loo gud­biyay xer­ada Qox­ootiga ee Boosaaso ay ka hirgeliysay Punt­land, iyadoo mas’u­uliyiin ka tir­san Punt­land oo sax­aafada la had­lay ay sheegeen in Qox­ooti­gan qaarkood ay u dhi­ibeen sha­cabka ku nool Boosaaso si ay hoy iyo cunno u si­iyaan.

“Ar­rinta Qox­ootiga waxay u muuqataa mid faraha ka bax­day, wax­aana doon­ay­naa in gacan laga geysto da­jirnta iyo wax u qabashada Qox­ootiga ka­soo cararaya co­laadaha Yemen ka socda, waayo Punt­land awood uma la­han inay daboosho baahida Qox­oo­tigu ay Qabaan,” ayuu War­baahinta u Shee­gay Wasiir ku Xigeenka Ar­rimaha Gu­daha Punt­land, Cab­dul­laahi Qoob-deero.

Dhanka kale, Qoxootiga maanta soo gaaray Boosaaso oo qaarkood la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay dhibaatooyin badan lasoo kulmeen intii ay ku soo jireen badda, iyadoo qaarkood ay sheegeen in tobaneeyo qof ay ku dhex-dhinteen doonida.

“Wax­aan doon­ay­naa in naloo taliyo, waayo dhibaa­tooyin badan ayaan soo mar­nay, wax­aan Todobaadyo ku sug­nayn Dekedda Mukallah, inatii doonida aan soo saar­nayna dhibaa­tooyin kale ayaan la­soo ku­lan­nay,” ayuu war­baahinta u shee­gay oday Qox­ootiga dalka Yemen ka soo cararay, is­a­goo in­taas ku daray in dowladda fed­er­aalka So­ma­lia uu hadal­keedu ya­hay mid aan caddeyn oo labac-labac ah.

Laylo Max­amed Max­a­m­uud oo ka mid ahayd Qox­ootiga maanta soo gaaray Boosaaso ayaa iyaduna war­baahinta u sheeg­tay in xaal­adda Yemen ay aad u Xu­maatay, iyadoo sheeg­tay in ay ku noolayd ma­g­a­al­ada Sanca halkaas oo habeen iyo maal­inba lagu duqeyn ji­ray.

“Maalin walba wax­aan fayl u galay­nay shan xabo oo Muufo ah si aan aniga iyo caru­urteyda ugu noolaano, biyo ma ji­raan, guryaha ayaan ku Xir­nayn; duqeyn­tuna waxay ahayd habeen iyo maalin, wax­aan go’aannsa­hay in­aan dib ugu soo laa­banno dalkenna,” ayay tiri Laylo.

Ugu dambeyn, Maryan Aadan Cadde oo iyana sheeg­tay inay ku noolayd ma­g­a­al­ada Cadan ayaa xus­tay inay ka­soo carar­tay dee­gaanka Basaatiin oo ay sheeg­tay inay tahay mee­sha ay Xu­uthiyi­inta iyo dowladdu da­gaal­lada ugu cu­lus ku dhex­maraan.

Si kastaba ha ahaa­tee, Mas’u­uliyi­inta maa­mulka Punt­land ayaa shee­gay in Qox­ootiga soo gaaray maanta deg­mada Boosaaso ay yi­hiin kuwii ugu bad­naa ee Punt­land soo gaara, ayna ku ji­raan dad u dhashay Itoobiya iyo Yemen.