GLOBAL NEWS

Qox­ootiga Dhad­haab oo beeniyay in weer­arada ka dhaca Kenya laga soo Abaab­ulo Xerya­hooda


Sabti, Abriil 25, 2015 — Iyadoo Xuku­umadda Kenya ay shaacisay dhawaan in laga soo abaab­ulo weer­ar­rada ka dhaca gu­daha dalka Kenya Xeryaha Qox­ootiga Soomaaliy­eed ay ku yaalla ee Dhad­haab, ayaa waxaa eedeyn­taas iska fo­geeyay qox­ootiga xerya­haas ku nool.

Mas’u­uliyi­inta Kenya ayaa amar ku bixiyay tod­dobaadyo ka hor in xerya­haas la xiro, dadka ku ji­rana dib loogu celiyo goobaha ay ci­idamada AMI­SOM ee ka howl­gala Soomaaliya ay ka saa­reen Al-shabaab.

Balse, guddoomiyaha amniga Xerada IFO oo ka mid ah shanta xero ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab, Maxamed Colow Odawaa ayaa eedeynta kasoo yeertay madaxda dalka Kenya ku tilmaamay mid aan jirin; isagoo ku tilmaamay eedeyntan inay tahay mid loogu gafay qoxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab.

Odawaa oo sidoo kale afhay­een u ah gud­diga am­maanka ee xeryaha Dhad­haab ayaa hoosta ka xari­iqay in sida ma­g­a­alooyinka kale ee ay Kenya ka kooban tahay ay tagaan dad xun iyo dad we­naagsan intaba, isla markaana looga baa­han ya­hay dowladda Kenya inay iska qa­bato dadka xun-xun ee dhibaa­tooyinka ku haya.

Madaxwey­naha Kenya, Uhuru Keny­atta ayaa dhawaan shaaciyay in ay ad­keyn doon­aan am­maanka sii xu­maanaya ee dalki­isa, halka­a­soo ay weer­arro ka geysato Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa hor­raan­tii bis­han Abriil weer­ar­tay Jaa­macadda Gaarisa ee dalka Kenya, halka­a­soo ay ku dileen 148-qof oo u badan ar­day­dii wax ka baran ji­ray jaa­macad­daas, taa­soo sabab­tay in madaxda Kenya ay ku dhawaaqaan in la xiro xeryaha Qox­ootiga Dhad­haab-Kenya.

Xasan Max­amed oo ka mid ah dhallinyarada ku nool Xeryaha Dhad­haab oo war­baahinta la had­lay ayaa shee­gay in siyaasiyi­inta gob­olka Waqooyi-bari ee dalka Kenya in­tii ay eedeyn la­haay­een qox­ootiga ay ahayd inay di­faa­caan.

“Had­dii aad tahay siyaasi, dadka ku weer­araa ma qox­ootiga oo ke­liyaa, mise kuwa kale ee ku­soo weer­ara ayaadan iska di­faaci karin. Qox­oo­tigu waa dad aan awood la­hayn oo ku nool meelo dhooqo iyo wasaq badan. Balse waa in aad si toos ah u tilmaan­taan kuwa dhibaatada ka geysanaya Kenya,” ayuu yiri Xasan Max­amed.

Baar­i­taanno hord­hac ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaa­day in koox­i­hii Jaa­macadda Gaarisa weer­aray ay ahaay­een dad ka kala yimid dee­gaanno ka tir­san, uuna ku ji­ray wiil uu dha­lay mas’uul ho­ray xi­lal uga soo qab­tay gob­olka Waqooyi-bari-Kenya.

Dhanka kale, Kaamil Aadan oo 20-jir ah – macall­inna ka ah Mal­caa­mad ku taalla Xeryaha Dhad­haab ayaa shee­gay in car­ru­ur­tii uu wax barayay ay qaarkood dib ugu laab­teen Kenya.

“Qox­ootiga ku jira Dhad­haab qaarkood si iskood ah ayay dib ugu laab­teen dalka So­ma­lia, wax­aana qabaa in qox­ootiga loo madax-ban­neeyo inay si iskood ah ugu la­bataan dalkooda, waayo Dhad­haab dhibaa­tooyin fara badan ayaa ku haysta,” ayuu yiri Kaamil Aadan.

Ugu dambeyn, tan iyo bishii De­cem­ber ee san­nad­kii hore waxaa So­ma­lia dib ugu laab­tay si iskood ah 2,000 oo qof oo ka mid ahaa Qox­ootiga Dhad­haab ku nool. Wax­aase qox­ootiga soo food-saaray xil­li­gan cadaadisyo badan oo ay xuku­umadda Kenya ku doon­ayso in dib loogu celiyo wad­dankooda So­ma­lia.