GLOBAL NEWS

Qodob­badii ka­soo baxay Shirkii Wa­datashiga ee lagu soo Gaba-gabeeyay Muqdisho


Ku­lan sad­dex Maal­mood ka soc­day Villa So­ma­lia oo ay is­agu yi­maadeen Madaxway­naha Soomaaliya, Gud­doomiyaha Baar­la­maanka, Ra’i­isul Wasaaraha Xuku­umadda So­ma­lia, Madaxwey­naha Punt­land, Madaxwey­naha Koon­fur-gal­beed, Madaxwey­naha Jub­ba­land, iyo Madaxwey­naha Gal­muudg ayaa Gellinkii dambe ee Maanta lagu soo Gaba-gabeeyay Muqdisho, iyadoo laga soo saaray Qodobbo dhowr ah.

Madaxda oo ka Am­baqaa­daysa Qor­she Howlleed­kii Shirkii Wa­datashiga Heerka Sare ee (HPLF) ee ka dha­cay Muqdisho Bishii July, 2015-kii ee ay madaxdu isla ogo­laadeen in ay daah-fu­raan Madasha Wa­datashiga Qaran. Madashaa­soo ku­lan­keeda ugu hor­reeya yee­lan doonta 14-ka Bisha Ok­too­bar ee soo so­cota ayaa looga Wada­hadli doonaa Qaabka ugu Hab­boon ee sanadka 2016-ka dalka looga hirgelin karo doorasho ku dhacda jawi nabadoon oo hu­fan.

Sidoo kale, Madaxdu waxay mar kale isla aqbaleen sida ay uga go’an tahay meel-mar­inta Wa­datashi Dimuqraadi ah, Daah-fu­ran, Loona dhan ya­hay, isla markaana ku salaysan Mabaadi’da Ha­gaysa iyo Qor­she Hawleed­kii la isku raa­cay Shirkii Wa­datashiga Heerka sare ee ka dha­cay Muqdisho 29-kii il­laa 30-kii July ee san­nad­kan 2015-ka.

Iyadoo la Tixraa­cayo labadaas Qo­raal ayay Madaxdu isku raaceen in la sameeyo Qaab-dhis­meedka iyo Waa­jibaad Howleedka ee Madasha Wa­datashiga Qaran.

Madasha ayaa kul­mi­naysa Madaxda Fed­er­aalka, kuwab maa­mul-Gob­olleedyada, Waki­ilo ka socda Baar­la­maanka Fed­er­aalka, Xubno Mata­laya Gob­ol­lada aan weli loo dhisin maa­mul­lada iyo kuwo mata­laya Bul­shada Rayidka ah. Sidoo kalena waxay Madashu yee­lan doon­taa guddi hawleed iyo guddi farsamo oo hoos imaan doona Ra’i­isul Wasaaraha Xuku­umadda Fed­er­aalka Soomaaliya. Labadaan Guddi Waxay diyaarin doon­aan Qor­she-tilmaameed ka hor Waqtiga Shirka, kaa­soo tilmaan ka bixin doona habka Wa­datashiga Qaran u dhaci doono iyo Han­naanka loo kala dooran doono Qaabka ugu hab­boon ee Doorashada 2016-ka lagu qa­ban karo.

Marka uu shir­wey­naha Madasha wa­datashiga Qaran meel-mariyo, waxay guddi hawleedku ku­lamo wa­datashi la yee­lan doonaa qay­baha kala duwan ee Bul­shada Soomaaliy­eed ee ku nool Gob­ol­lada Dalka oo idil Bi­laha Ok­too­bar iyo Nofeem­ber ee San­nad­kan.

Waxay kaloo madaxdu isla gar­teen in shir-wey­naha Madasha Wa­datashiga Qaran mar kale la qabto bisha De­cem­ber, 2015-ka, si uu dib u eegis ugu sameeyo wixii ka­soo baxay Wada-tashiyada Dad­wey­naha. Ku­lankaas waxay Madashu isku raaci doon­taa Han­naanka ugu hab­boon ee ka­soo baxay ku­la­madii wa­datashiyada ahaa ee dalka doorasha uga dhici karto 2016-ka. Waxaa kaloo Madaxdu isla Meel-dhigeen in Han­naanka Doorasho ee la isku raaco ay Hay’adaha Fed­er­aalka ee ay khuseyso sharci ku meel-marin doon­aan ugu dambeyn bisha Jan­naayo 2016-ka.

Dhanka kale, Waxay madaxdu go’aamiy­een in Mud­naan Gaar ah la siin doono haweenka, dhallinyarada iyo dadka laga tirada badan ya­hay si kaalin muuqata ay ugu yee­shaan hab­sami u socodka hawlaha Madasha wa­datashiga. Waxaa kaloo la garawsa­day in nati­i­jada ka­soo baxda Wa­datashiga Madasha ay no­qoto mid dadka Soomaaliy­eed wada-mate­sha kana tur­junta ra­bitaanka iyo yi­didi­ilada sha­cab ee han­naan doorasho loo dhan ya­hay, daah-fu­ran la­gana wada qay­b­galo.

Ugu dambeyn, Fu­ri­taanka Madasha Waxaa Goob­joog ka ahaa Waki­illo ka Socda Bee­sha Caalamka. Madaxda Qaranku waxay ku boor­riy­een Bee­sha Caalamka in ay gacan weyn ka gaystaan Hawlaha Madasha Wa­datashiga Qaran, Gaar ahaan wixii farsamo iyo talo-bixin ah.