GLOBAL NEWS

Qarax Mi­ino oo Sababay Khasaare Dhi­masho iyo Dhaawac ah oo Maanta ka Dha­cay KISMAAYO


Ugu yaraan Sad­dex Sarkaal oo ka tir­san Ci­idanka Maa­mulka Jub­ba­land ayaa maanta ku Geeriy­oo­day Qarax mi­ino oo lagu Aasay Sald­hig ay Ci­idammo Mushaaraad loogu Qay­bi­nayay oo ku Taalla Ma­g­a­al­ada Kismaayo ee Xarunta Gob­olka Jub­bada Hoose.

Qaraxan Waxaa sidoo kale ku dhaawac­may sagaal askari oo ka tir­san ci­idamada maa­mulka Jub­ba­land. Wax­aana Mas’u­uliyadda Qarax­aan Shee­gatay Al-shabaab oo Da­gaal kula Jirta Dowladda So­ma­lia iyo maa­mul­lada dalka ka jira.

Sarkaal ka tir­san ci­idamada Jub­ba­land ayaa shee­gay in Qaraxan uu ahaa mid lagu sii aasay Xer­ada ay Ci­idamadu ku Qaadanay­een, is­a­goo shee­gay in Xer­ada uu Qaraxa ka dha­cay ay tahay Shi­iko­laha Kismaayo oo ku dhow madax­tooy­ada Jub­ba­land.

“Wuxuu ahaa Qaraxu mid ho­ray loo aasay, wax­aana ku dhin­tay Sad­dex Sarkaal oo ti­sanaa ci­idamada Maa­mulka Jub­ba­land, Sidoo kalena sagaal kale ayay ka­soo gaa­reen dhaawa­cyo isugu jira kuwo fudud iyo kuwo cu­lus,” ayuu yiri sarkaalkan oo la had­lay War­baahinta.

Sidoo kale, Sarkaalkan ayaa shee­gay in Xer­ada uu Qaraxan khasaaraha geystay ka dha­cay ay ku sug­naay­een ci­idammo badan oo mushaaraad la si­inayay, balse Qaraxa uu ahaa mid ho­ray loogu sii aasay.

Is­a­goo sii had­layay, ayuu Sarkaalku in­taas ku daray in­aysan jirin cid Weer­arkan Qaraxa ah loo Qab­tay, laakiin ay soc­daan baar­i­taanno lagu baadi-goobayo cidii qaybta ka Qaa­datay in Mi­inadaas xer­ada lagu Aaso.

Dhanka kale, Sarkaalkan ayaa ka had­lay bam xalay lagu tu­u­ray gaari ay wa­teen Ci­idammo ka Tir­san kuwa Maam­mulka Jub­ba­land oo Marayay Aga­gaarka Madax­tooy­ada Jub­ba­land, ayaa shee­gay in­aysan jirin cid ay wax ka­soo gaar­tay, is­a­goo in­taas ku daray in Ci­idamadii gaariga watay ay fureen rasaas ay ku eryanay­een koox­i­hii weer­arka geystay.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa Sheeg­tay inay Weer­arkaas ku Dileen Sad­dex ka mid ah Saraaki­isha Jub­ba­land ayna ku Dhaawaceen 15 Askari oo kale oo ku Sug­naa Xer­ada uu Qaraxu ka dha­cay.