GLOBAL NEWS

Punt­land oo sheeg­tay in Ci­idammo AMI­SOM ah aan la keeni doonin Dee­gaanadooda (SAWIRRO)


Wasi­irka Am­maanka Punt­land Xasan Cis­maan Aloore oo maanta la had­layay qaar kamid ah gud­diyada ka qayb-galaya shir looga had­layo ad­kaynta am­niga Punt­land oo ka socda Garowe ayaa shee­gay in­aysan aqbali karin ci­idamo ajn­abi ah oo yi­maada gu­daha gob­olka.

Markii uu Garowe ka dha­cay weer­arkii is­mi­idaam­inta ahaa, hay’adahu waa ay cab­sadeen wax­ayna naga dal­badeen inay keen­sadaan ci­idamo ajn­abi oo AMI­SOM katir­san, laakiin anagu waan ka di­id­nay wax­aana u sheeg­nay inay ci­idamadeenu ku fi­lan yi­hiin am­ni­gooda,” ayuu yiri wasi­irka am­niga oo ar­in­tan si adag uga had­lay.

“Anaga iyo Shacabka ayaa laga doonayaa inaan iska kaashanno sidii kooxaha argagaxisada ah loosoo af-jari lahaa, mana u baahnin in Gacmo Shisheeye ay Arrintan ka Qayb-qaataan,” ayuu mar kale yiri Aloore.

Wasi­irka ayaa xusay in dhibaatada amni ay sii ko­rdhi karto hadii la keeno ci­idammo Ajn­abi ah, wax­aana uu shee­gay in hadda ay soc­daan Qor­shayaal lagu sug­ayo guud ahaan am­niga Punt­land, xilli maa­mulku uu Da­gaal Adag kula jiro Kooxda Al-shabaab oo Fari­isimo ku leh bu­u­raha gob­olka Bari ee Gal-gala.

Dhi­naca kale Shir aan caadi ahayn oo maanta ay isugu yi­maadan go­laha wasi­irada Punt­land uuna Shir-gu­doom­i­nayay Madaxweyne Ku-xigeenka Punt­land, C/​xakiin Cameey ayaa lagu cadeeyay in aysan jirin wax ci­idamo ka socda AMI­SOM oo imaan doona gu­daha Punt­land.

Ugu dambeyn, Shirka ayaa lagu Qaada­cay gud­diyo Dhawaan ay ma­g­a­cow­day Dowladda F. So­ma­lia, Wax­aana War-mur­tiy­eedka maanta lagu Xusay inay gud­diyadaas yi­hiin kuwa aan ku dhis­nayn sharci ,isla markaana aan Punt­land la­gala tashan.