Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo, Prof. Cali khaliif Galayr ayaa isku-shaan-dheyn ku sameeyay golaha wasiirrada maamulkiisa, isagoo magacaabayna qaar cusub, wasiirradan oo dhammaantood lagu dhaariyay isla goobtaasi.
Wasiirrada uu Galeydh magacaabay ayaa kala ahaa;
- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo isku-xidhka Fedaraalka, Maxmuud Ismaaciil Shabac. Wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda iyo isku-xidhka Federaalka, C/xakiin Faarax dhaaye. Wasiir ku-xigeennada isla wasaaraddan, Maryama Xasan Diiriye iyo Safiya Cali caateeye oo ku xigeenka labaad ah.
- Wasiirka Arimaha Gudaha, Axmed Maxamuud Doolaal. Wasiir ku xigeenaduna waxay kala yihiin; Abshir C/casiis Sheekh Maxamuud iyo C/llaahi Jaamac Diiriye.
- Wasiirka Maaliyadda, Xasan Muuse Cawil, Wasiir ku-xigeennada Maxamed Cali Bashiir iyo C/rashiid Xaaji Axmed.
- Wasiirka Amniga, Keyse Cabdi Yuusuf. Wasii-u-dowlaha, Faarax Maxamed Xasan Falaalug. Wasiir ku-xigeenka, Faarax Maxamed Cashuur.
- Wasiirka Caafimaadka iyo Haweenka, Iidle Dubad. Wasiir-u-dowlaha C/risaaq Siciid Faarax.
- Wasiirka Waxbarashada Isboortiga iyo dhallinyarada, Cabdinaasir Cali Caynab. Wasiir ku-xigeenka, Faysal Muuse Dheri.
- Wasiirka Kheyraadka iyo Biyaha, Mukhtaar Ciise Faarax.
- Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Maxamuud Cali Faraax. Wasiir ku xigeen, Siciid Maxamed Mire.
- Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, Axmed Xaaji Cali.
- Wasiir-u-dowlaha madaxtooyada, C/rashiid Cawil Cadi Hiirad. Wasiir ku-xigeen C/qani Khaliif Faarax.
Waxa kaloo madaxwaynuhu magacaabay saddex guddi oo ka kooban mid wada-xaajoodka ah, mid dhaqaale iyo guddiga difaaca. Waxayna kala yihiin;
Guddiga Wada-xaajoodka;
- Cisman Xasan Xaaji Cumar.
2. Cali Ciise abdi
3. Nuur Maxamed Gaas
4. Mohamed C/raxaan X Ibrahin
5. C/rashiid Macain Faarax
Guddiga Dhaqaalaha;
- Cali Xaaji Cige
2. Axmed Mohamed Adan
3. Saleebaan Abdi Ducaale
4. C/qaadir Ahmed Xandule
5. Cali Maxamuud Dafir
6. Maxamed Jibriil
7. Ubax Olol
8. Kinsi Maxamed Cabdi
9. Sahra Cabdi Xab-xab
Guddiga Amniga iyo Difaaca;
- Maxamed Macallin Faarax
2. Maxamed Mire
3. Daahir Maxamed Nuur
4. Warsamed Seeraar
5. Abdi Warsame Dhuub
6. Axmed Maxamed Cabdi
7. Cumar Biixi Ducaale
Ugu dambeyn, isku-shaan-dheyntaan oo ka dhacda deegaanka Bali-Cad oo 90-KM dinaca Galbeed kaga beegan Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ah kii ugu horreeyay oo uu madaxweynuhu ku sameeyo wasiirrada xukuumadiisa.