GLOBAL NEWS

ODAWAA: Qab­sashadii Dhu­uso-ma­reeb waa mid lagu car­qa­ley­nayo dhis­maha Maa­mulka G/​Dhexe


Wasi­irka Ar­rimaha Gu­daha iyo Fed­er­aalka Xuku­umadda So­ma­lia, C/​rax­maan Max­amed Xuseen (Odowaa) oo ka had­lay Qab­sashadii Ahlusunna ay Maanta Qab­sa­tay Ma­g­a­al­ada Dhu­uso-ma­reeb ee Gob­olka Gal­guduud ayaa ku Tilmaa­may mid lagu Ha­gar-daamey­nayo Dhis­maha Maa­mulka Gob­ol­lada Dhexe ee So­ma­lia.

Odawaa ayaa shee­gay inay weer­arkan uu ya­hay wax laga xu­maado, is­a­goo Ahlusunna ku Tilmaa­may kooxo Nabad-diid ah, Wux­u­una xusay in tal­laabadan ay si cad u muu­ji­nayso in Kooxda Ahlusunna ay ka bax­day Hes­hi­iskii Xabad-joo­jinta ahaa ee ay Dowladda So­ma­lia kula galeen Deg­mada Guriceel ee Gob­olka Gal­guduud.

Sidoo kale, Wasi­irka ayaa ku tilmaa­may Qab­sashada deg­mada Dhu­uso-mar­reeb in looga gol-leeya­hay hor­joogsiga geeddi-socodka lagu dhisayo Maa­mulka Gob­ol­lada Mudug iyo Gal­guduud, isla markaana lagu Qalqal-geli­nayo Nabadda iyo Xas­il­loonida ay haystaan sha­cabka Gob­ol­lada Dhexe.

“Dowladda So­ma­lia Tal­laabo Deg-deg ah ay u qaadi doon­taa Taal­labada ay kooxda nabad-di­idka ah ku weer­a­reen ma­g­a­alo ay Xas­il­looni ka jirto oo ay dowladda So­ma­lia gacanta ku hayso,” ayuu yiri Odowaa.

Ugu dambeyn, Wasi­irka Ar­rimaha Gu­daha iyo Fed­er­aalka Soomaaliya ayaa Tacsi u di­ray ehel­ladda dad­kii Waxy­eel­ladu ka­soo Gaar­tay weer­arkii ay maanta Ahlusunna ku Qaad­day Dhu­uso-ma­reeb ee Gob­olka Gal­guduud, inkas­too uu­san xusin wax dhi­masho iyo dhaawac ah oo da­gaalkaas ka dhashay.

Si kastaba ha ahaa­tee, Ma­g­a­al­ada Dhu­uso-ma­reeb ayaa ahayd Halkii loo Qor­sheeyay in ay xarun u no­qoto Maa­mulka loo dhisayo Gob­ol­lada Mudug iyo Gal­guduud, iyadoo Wasi­irku uu no­qnoayo Mas’u­ulkii ugu hor­reeyay oo ka tir­san Xuku­umadda So­ma­lia oo ka Had­lay la Wa­reegis­tii deg­mada Dhu­uso-ma­reeb.