GLOBAL NEWS

Mu­naasabad lagu xusayay 01-da Lu­uliyo oo xalay lagu Qab­tay Xarunta Maa­mulka Gob­olka Ba­naadir


Mu­naasabad bal­laaran oo lagu Xusayay Maalmaha xor­riyadda Soomaaliya iyo Mi­d­owgii labada gobol ee Koon­furta iyo Waqooyiga So­ma­lia ayaa xalay lagu qab­tay xarunta maa­mulka Gob­olka Ba­naadir ee Of­fi­cio Gov­erno oo dib u habeyn lagu sameeyay dhawaan.

Xafladda ayaa waxaa ka qay­b­galay madaxwey­naha So­ma­lia, Xasan Sheekh, RW So­ma­lia Cumar C/​rashiid, Gud­doomiyaha Gob­olka Ba­naadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Muun-gaab iyo mas’u­uliyiin kale oo fara badan.

Wasi­irka War­faafinta So­ma­lia Max­amed Cabdi Xayir oo fu­ray mu­naasabada ayaa shee­gay in guud ahaan So­ma­lia ay ka dha­cayaan xaflado noocan oo kale ah, ayna ka shaqeey­een sidii dhallinyarta Soomaaliy­eed loo da­reen-siin Qi­imaha ay dalka iyo dadka u leeda­hay xor­riyadda.