GLOBAL NEWS

Maxaa laga Fi­lan karaa Shirka Wada-tashiga Siyaasadda Soomaaliya ee San­nadka 2016-ka [FAALO]


Waxaa Muqdisho SHIR uga Soc­daan Madaxda DF Soomaaliya, hogaamiyayaasha dowlad gob­olleedyada, iyo wa­fuud heer caalami ah, kaa oo la shee­gay in looga wadda hadal­layo ji­hada siyaasada Soomaaliya ee hi­igsiga sanadka 2016-ka iyo nooca doorashada su­urta­galka ah in la qabto, madaama ho­ray loo shee­gay in aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

Ku­lanka oo wa­jigi­isii hore fur­may maal­in­tii sha­lay waxaa xi­iso badan u yeel­laya ka qeyb-galka hogaamiyayaasha dowlad gob­olleedyada dalka, madaama ay madasha wadda joogaan dhamaan madaxwey­nayaasha maa­mul­lada Punt­land, Jub­ba­land, Koon­fur gal­beed, iyo Gal­mudug oo dhif iyo naadir aheyd in marar badan ay ka soo wadda muuq­daan shir lagu gor­fey­nayo ar­rimaha siyaasada Soomaaliya, taa oo laga yaabo in ay rajo badan ku abu­urto xub­naha bee­sha caalamka ka socda oo u arki kara in uu jiro biseyl siyaasadeed oo ka muuqda hogaamiyayaasha Soomaal­ida.

Laakiin ar­rimuhu sidda uma sahlana oo dad badan waxaa ay su’aal gali­nayaa waxa su­urta-galka ka dhi­gay in madaxda dowladda fed­er­aalka iyo hogaamiyayaasha maa­mul gob­olleedyada ka wadda qeyb-gal­laan ku­lan looga wadda hadal­layo siyaasada Soomaaliyda, iyadoo la og-ya­hay xurguta siyaasadeed ee ka dhax jirta dhi­na­cyada isa soo hor fad­hiya.

Tusalle ahaan Punt­land iyo Jub­ba­land wax xiriir ah lama laha dowladda dhexe, wax­aana jira is ba­heysi hoose oo ka dhax­eeya labada dowlad gob­olleed oo siyaasad ahaan u arka dowladda dhexe mid xad-gudub ku ah shar­ciga iyo das­tu­urka dalka oo ay marar badan ay ku cel celiy­een.

Punt­land ayaa si­weyn uga careysan dhis­maha maa­mul gob­olleedka Gal­mudug oo ay u aragto mid aan waafaqsaneyn das­tu­urka iyo shar­ciga dalka u yaalla oo dhi­gaya in labo gobol iyo wixii ka badan no­qon karaan dowlad gob­olleed.

Dhi­naca Jub­ba­land marka aad eegto ho­ray ay­eeyba u sheeg­tay in ay xiri­irkii wadda-shaqeynta u jir­tay dowladda dhexe, kaddib markii baar­la­maanka fed­er­aalka uu sharci darro ku tilmaa­may gol­laha waki­ilada maa­mulka Jubba ee mar kale soo door­tay Axmed Madoobe.

Waxaa kaloo jira mu­ran xoog leh oo ka dhax aloosan dhi­na­cyada shirka kawada qeyb-galaya kaa oo salka ku haya marka horeba cidda ay tahay in loo tix­galiyo dowlad gob­olleed, madaama Punt­land ay isku aragto tan kaliya ee bu­ux­isay sharu­udii ka mid ahaan­shaha nidaamka fed­er­aalka, halka dhi­naca kalana Jub­ba­land isku muu­jineyso in ay ka gudub­tay ku-meel-gaarka oo wixii hadda ka dan­beeya loo tix­galiyo dowlad gob­olleed rasmi ah.

Maa­mu­lada kale ee Koon­fur gal­beed iyo Gal­mudug ayaad moodaa in ay farta ku go­dan tahay, balse markaad eegto shaqsiyaadka labada maa­mul ka socda ee kala ah Shariif Xas­san Sheekh Aadan iyo C/​kariin Xusseen Gu­ulleed ayaa la oran karaa ma’aha kuwo sahlan oo si fudud looga gud­bin karo, waayo waxaa ay udub dhax­aad iyo ti­irar muhiim ah u yi­hiin siyaasada dowladda uu madaxwey­naha ka ya­hay Xas­san Sheekh Max’uud iyo xi­taa marka aad dhi­naca kale eegto gor-gor­tanka siyaasadeed ee sanadka 2016ka.

Ajan­daha mi­iska saaran ee ah ji­daha siyaasada Soomaaliya iyo nooca doorashada la fil­layo in ay dalka ka dhacdo, ayaan la hu­bin sidda ay isku aragti uga wadda no­qon karaan hogaamiyayaasha hoosta is­aga wada ciil qaba ee had­dana madasha kaliya ku wadda sugan.

Dadka sidda weyn ugu dhuun-daloola ar­rimaha siyaasada Soomaaliya ayaa

qaba in shirka noocan oo kale ah ee gaar­si­isan ilaa heer ‘’Qaran’’ (Na­tional Laval) loo baah­naa in waqti badan la si­iyo la­gana wadda qeyb-galiyo dhamaan dhi­na­cyada ay quseyso oo ay ka mid yi­hiin bul­shada rayidka, laakiin sidda ay hadda wax u soc­daan ay­eey ku tilmaa­mayaan in ay jirto siyaasad qar­soon oo aan wali la shaacin.

Bee­sha caalamka oo saameyn weyn ku leh siyaasada Soomaaliya waxaa ay ho­ray u sheeg­tay in marn­aba aan la aqbali doonin mudo ko­rarsi, sidda daraadeed ay qasab tahay in laga wadda shaqeyso sid­dii leyskugu af­garan la­haa hanaan doorasho oo su­urta­gal ka dhi­gaya in dowladda hadda jirta badasho dowlad kale oo ku timid inta badan ra­bitaanka sha­cabka.

Hase ahaa­tee, il­laa hadda lama garanayo nooca doorashada la qaadanayo mana sahlana in labada cisho ee soo socta dhi­na­cyada ka wadda qeyb-gal­laya shirka isku aragti ka no­q­daan ar­rin­taa iyada ah, madaama uu jiro kala shaki u dhax­eeya madaxda DF iyo hogaamiyayaasha dowlad gob­olleedyada.

Waa wax dhici kara in ugu dan­beyn­tii ku­lanka laga soo saaro war-mur­tiy­eed dhi­na­cyada oo dhan wadda saxi­ix­een kaa oo tilmaam ka bix­i­naya qodobada leysku af­gar­tay, hasse ahaa­tee lama hubo sidda uu war-mur­tiyaad­kaas ugu no­qon doono mid daa­cada laga wadda –ya­hay oo dhab ahaan qe­ex­aya Road Map siyaasada Soomaaliya iyo nooca doorasho ee hishiis lagu wadda ya­hay.

Ugu dan­beyn­tii, inkas­too ay ji­raan ji­laafooyin siyaasadeed oo leysku dhi­gayo iyo caqabado shirka ku xeeran, had­dana mar had­dii ay wadda fashiyaan odayaashii gar­wadeenka ka ahaa siyaasada Soomaaliya, waxaa la leeya­hay ra­jadu ma’ xuma oo ugu yaraan waxaa dhici karta in ku­lanka leyku cafiyo lana anba-qaado hanaan siyaasadeed oo lagu mideysan ya­hay iyadoo wal­iba laga faa’ideysanayo waqtiga kooban ka harsan mu­dada dowladda hadda jirta.