GLOBAL NEWS

MADAXWEYNE XASAN: Anigu Urur kama tir­sani, Dalkana kama jirto Dowlad ay leeda­hay Dam-jadiid


Madaxwey­naha So­ma­lia, Xasan Sheekh oo su’aalo kaga jawaabayay sha­cab Soomaaliy­eed oo dood ka qay­b­galayay ayaa waxba kama ji­raan ku shee­gay in awoodda dalka ay gacanta ugu jirto urur gaar ah, wux­u­una shee­gay in­u­u­san ka mid ahayd urur ka mid ah urur­rada is­laamiga ah ee dalka ka jira, waligi­isna uu­san ka mid no­qon.

Xasan Sheekh ayaa xusay in­aysan jirin dowlad ay leey­i­hiin Dam-Jadiid, kaa­soo la sheego inuu madaxweynuhu ka tir­san ya­hay uuna awoodda dalka gacanta u geliyay, balse wuxuu shee­gay in­aysan dalka ka jirin dowlad ay koox gaar ahi leeda­hay am­aba yee­lan karto.

“Aniga madaxweyne ahaan ama ka Xasan Sheekh ahaan urur di­imeed waligeey kama mid no­qon, maan­tana kama mid ahi; had­dii ay ahaan la­hayd Damul Jadiid, Al-Is­laax, Aala Sheekh, Ahlusunna, Ic­ti­saam ama Al-Itix­aad. Madaxweyne kasta shaqsiyaad la shaqeeya oo ka agdhow oo shaqada u fududeeya way soo jireen, dab­cana waa ay ji­rayaan, balse dowlad Damul-jadiid ay leeda­hay dalkaan kama jirto,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri hadalki­isa.

Sidoo kale, madaxwey­naha So­ma­lia oo mar la wey­di­iyay inuu musharax ya­hay marka la gaaro san­nadka 2016-ka; ayuu ku jawaabay inuu ya­hay musharax, isla markaana uu ra­jey­nayo inuu mar kale qabto xilka madaxwey­nen­imo ee dalka, had­dii laga gu­u­leystana uu la shaqey­nayo cid­dii xilka loo doorto.

“Wax­aan rabaa in­aan dhaqan cusub iyo waddo cusub jideeyo, murashax waan ahay, had­dii la ii doorto in­aan mar kale sii joogo xafi­iska diyaar baan u ahay, balse had­dii la iga gu­u­leysto waxaa raalli ka ahay in­aan xilka ku wa­ree­jiyo qofka la doorto lana shaqeeyo,” ayuu yiri madaxwey­naha So­ma­lia.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh Max­a­m­uud ayaa shee­gay in had­dii ay su­uro-geli weydo doorasho Cod iyo Qof ah; aysan diyaar u ahayn inay xil­liga ko­ror­sadaan, is­a­goo tilmaa­may qal­adaadka ay leeda­hay waqti ko­rd­hinta ay soo ar­keen, qalad kii sha­lay lla galay la mid ahna aysan doon­ayn inay galaan.

Si kastaba ha ahaa­tee, hadalka madaxwey­naha So­ma­lia ee ku aad­dan in­u­u­san ka mid ahayn koox di­imeedyada ka jira dalka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay sha­cabka Muqdisho in­tooda badan ay isla dhex­maray­een inuu madaxweynuhu ka tir­san ya­hay ururka Dam-jadiid oo ah garab ka go’ay ururka Al-Is­laax.