GLOBAL NEWS

Madaxweyne Far­maajo oo maanta fu­raya kalfad­higa labaad ee baar­la­maanka Soomaaliya


Waxaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa in uu ka furmo xarunta gol­laha sha­cabka Kalfad­higii Labaad ee baar­la­maanka 10ad ee Soomaaliya, wax­aana mu­naasabada fu­ri­taanka khubad ka jeedin doona madaxwey­naha dowladda Soomaaliya Max­amed Cab­dul­laahi Far­maajo.

Xoghayaha guud ee baar­la­maanka Soomaaliya C/​kariin Xaaji Buux ayaa war­baahinta u shee­gay in maanta oo Sabti ah u fur­mayo Kalfad­higa Labaad ee baar­la­maanka fed­er­aalka oo bil­i­hii ugu dan­beeyayba fasax ku maq­naa.

Gud­doomiyaha baar­la­maanka Soomaaliya Prof Max­amed Cis­maan Jawaari oo todobaadyadii ugu dan­beeyay ku maq­naa dalka dibadi­isa ayaa dib ugu soo laab­tay dalka, is­aga oo maanta goob joog u no­qon doona fu­ri­taanka Kalfad­higa Labaad ee Aqalka hoose.

Waxaa si­weyn loo ad­keeyay am­niga ma­g­a­al­ada caasi­mada ah ee Muqdisho gaar ahaan xarunta gol­laha sha­cabka oo la xi­ray dhamaanba ji­dadka soo galla.