GLOBAL NEWS

Madaxweyne: Axmed max­amed is­laam oo Ko­rmeeray Xarumo kala Duwan oo Ma­g­a­al­ada Kismaayo ku yaala


Madaxwey­naha Dawlada Jub­ba­land Mu­dane Axmed max­amed is­laam Ayaa saaka waxaa uu Ko­rmeer ku tagay Xarumo kala Duwan oo ku yaala Ma­g­a­al­ada Kismaayo.

Xarumaha uu Madaxwey­nahu booq­day waxaa kamid ah Xarunta Wasaarada Maaliyada Dhis­maha Qaybta ganac­siga Ee Bangiga dhexe Ee Jub­ba­land Xarunta Dawlada Hoose Ee Kismaayo iyo Xarumo Dawli ah oo Dhawaan laga Saray dad­kii Da­ganaa.

Madaxwey­naha Ayaa waxaa uu Xaruma­haas kala Duwan ku­lamo kula Qaatay Ma­su­uliyi­inta kala Duwan wax­aana uu kala Had­lay sidii loo Xoo­jin la­haa Hawlaha shaqo Ee Loogu Adee­gayo Bul­shada.

Dhawrkii Biloodba mar ayuu Madaxwey­nahu ko­rmeer Aan Ho­ray loosiii shaacin ku tagaa Xarumo kala Duwan oo Ma­g­a­al­ada kamid ah wax­aana Ko­rmeerka Maanta ku We­he­li­nayay Madaxweyne ku xigeenka labaad Gu­doomiyaha Baar­la­maanka Gu­doomiyaha Deg­mada Kismaayo iyo Xild­hibaano Dawlada Jub­ba­land Katir­san.