GLOBAL NEWS

Madaxweynaha Soomaaliya oo Markii ugu horeesay booqday Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa goordhaw gaaray xerada Qaxootiga Dhadhaab ay ku jiraan in ka badan nus malyuun qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ku wehliya Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Dowlada Kenya, waxa ayna masuuliyiintan u kuur galayeen xaalada nololeed ee qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool xerada Dhadhaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xerada kula kulmay hogaamiyaasha xerada qaxootiga ee Dhadhaab kuwaa oo uga warbixiyay xaalada nololeed ee Soomaalida kunool Xerada Dhabaab iyo aragtidooda ku aadan in xeradan ay xirto Dowlada Kenya.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xerada Dhadhaab kula kulmay masuuliyiin katirsan Dowlada Kenya, walina lama oga waxyaabihii ay kawada hadleen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Masuuliyiinta Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkan uu ku tagay xerada Dhadhaab ay tahay tii ugu horeesay oo Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago xeradaasi, waxa uuna Madaxweynaha usii gudbayaa magaalada Nairobi halkaas uu kula kulmayo Dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta .