GLOBAL NEWS

MADAXWEY­NAHA: Soomaaliya Gu­ulo ayay ka Gaar­tay Da­gaalka ka Dhanka ah Ar­gag­ix­isada


Madaxwey­naha Soomaaliya, Xasan Sh. Max­a­m­uud oo ka Qayb-galay Shir madax­eedka Gaar ah oo looga had­layay la-da­gaalanka Kooxda ISIL iyo Xag-jirn­i­mada oo uu marti-geliyay Madaxwey­naha Mareykanka Barack Obama, kana dha­cay Xarunta QM ee New York ayaa shee­gay in Soomaaliya ay gu­ulo la taa­ban karo ka gaar­tay la-da­gaalanka Ar­ga­gax­isada.

Ku­lankan ayaa Waxaa Goob­joog ka ahaa Hog­gaamiyeyaasha Caalamka in­tooda badan, iya­goo ka doo­dayay sida loola tacaalayo Caqabadaha la xiri­ira la da­gaalanka ar­gag­ix­isada caalamiga, iyo sida looga horta­gayo faafi­taanka xagjirn­i­mada hubeysan.

Madaxwey­naha ayaa ku­lan madax­eed­kaasi kadib shee­gay in da­gaalka ar­gag­ix­isada uu ya­hay mid caalami ah oo u baa­han in si wada­jir ah loo wa­jaho.

“Caalamka waxay aragtey isku-dayada fu­leyn­i­mada ku leh ee Al-shabaab ku dooneyso inay ku car­qaladeyso ho­ru­marka SO­ma­lia. Weer­arada wax­as­h­n­i­mada ah ee ay ka geysteen dalalka de­riska ee Bariga Afrika waxay muu­jiy­een in khatarta ar­gag­ix­isada aaney ku koob­neyn oo ke­liya xud­du­u­daha Soomaaliya’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Max­a­m­uud ayaa sidoo kale ka hadley hawl­gal­ada mi­la­teri ee dowlad­di­isa ay ku qaaddey Al-shabaab oo uu shee­gay inay mira dhal ahaay­een.

“Gu­u­laha Soomaaliya ee dhi­naca la da­gaalanka ar­gag­ix­isada sad­dexdii sanno ee la soo dhaafey waxaa ay muu­jiy­een in Al Shabaab laga gu­u­leysan karo. So­ma­lia waa dalka ke­liya ee awoo­day inuu si wanaagsan dhulki­isa ugu je­biyo koox ar­gag­ix­iso caalami ah.”

Sad­dexdii sanno ee la soo dhaafey, Dowladda Fed­er­aalka So­ma­lia waxay dib u xorey­sey ma­g­a­alooyin dhowr ah iyo sald­hi­gyo. Al-shabaab, oo mar gacanta ku hay­sey inta badan Koon­fu­urta Soomaaliya, ayaa waxaa laga saarey bo­qolki­iba 80 dhulkii ay ka tali­nay­een. Hawl­galka looga gu­u­leystey Al-shabaab oo ay wada fuliy­een Ci­idamada Xoogga Dalka Soomaaliy­eed iyo kuwa AMI­SOM, waxaa uu muu­jiyey in Al Shabaab ay u nugul yi­hiin hawl­gal­ada mi­latari ee sida hu­fan la isugu dub­barido.

Madaxwey­naha ayaa qirey doorka muuqda ee dalalka Mi­d­owga Afrika ee hawl­galka AMI­SOM ci­idammada ugu dee­qay sida – Uganda, Bu­rundi, Sierra Leone, Dji­bouti, Kenya iyo Ethiopia, oo uu shee­gay inay cayaa­reen door wanaagsan oo lagu taageer­ayo Soomaaliya.

“Gu­ul­da­rooyinka mi­latari ee la soo gud­boon­aadey aw­good, Al Shabaab waxay da­gaalkooda u weeciy­een xee­lado cusub oo ay koox koox ugu fuli­nayaan weer­aro ar­gag­ix­iso oo ay ku qaa­dayaan goobo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah iyo weliba dalalka de­riska. Si tani looga hortago, wax­aanu diyaariney siyaasad iyo sharci dhibaatadan lagu wa­ja­hayo , wax­ayna tal­laabadani inoo su­urage­lineysa in­aan yee­lano bar­naamij inoo gaar ah oo aan kaga hortagno ar­gag­ix­isada,” ayuu yiri Madaxwey­naha.

Is­taraaati­ijiyadda la da­gaalanka ar­gag­ix­isada waxay So­ma­lia u su­urage­lineysaa inay kaga hortagto shabakadaha ar­gag­ix­isada, iyadoo laga horta­gayo bar­naami­jyadooda, la­gana xayi­rayo awoodaha ay u yee­lan karaan inay si xor ah ugu fuliyaan falal ar­gag­ix­iso iyo inay qor­taan dhalin­yaro la qas­bey ama maskaxda laga xadey oo ay ka dhig­taan mal­ishiyaad u da­gaalama. Waxaa kale oo is­taraati­ijiyad­dan ay hay’adaha dowladda u saa­max­ayaan inay ade­e­gyada bul­shada ee aasaasiga ah u fidiyaan sha­cabka ku nool de­gaan­nada laga xor­reeyay Al Shabaab, iyo in la baahiyo fari­imo dadka looga di­gayo khatarta fikradaha khal­dan ee tak­fi­iriga ah iyo ay­doloo­jiyadda xagjirn­i­mada.

Ta­laa­booyinkan waxay kale oo keeni karaan in xub­naha Al Shabaab ay ururkaasi is­aga bax­aan, isla markaana ay no­q­daan dad qaata mabaadi’da dowladda ee ku dhisan dib u hes­hi­isi­inta, iyo dhaqan­gelinta bar­naami­jyo lagu dhaqan-celi­nayo dhalin­yarada ay saameey­een fikradaha khal­dan ee Al Shabaab.

“Ho­ru­marka wanaagsan ee aan sameyneyno ka sokow, waxaa dhanka kale xaqiiq ah in caqabadaha jira ay badan yi­hiin. Waa in­aan ka gu­u­leysanaa Al Shabaab, isla markaana aan xa­jisanaa goobaha aan xor­reyney. Waa in­aan waqti badan iyo han­tiba geli­naa dadaal­ada dib u hes­hi­isi­inta si aan xukunka ugu baahino goobaha cusub ee dhowaan laga saarey cad­ow­ga’’, ayuu yiri Madaxwey­naha.

Madaxwey­naha ayaa bee­sha caalamka ku am­maaney taageer­ada ay ka geysanayaan xas­il­inta iyo nabadeynta Soomaaliya, laakiin waxaa uu shee­gay in muhi­madda ugu weyn ay tahay in la ho­ru­mariyo ci­idammada Soomaaliya, kuwaas oo hanan kara nabadgelyada dalka. Waxaa uu Madaxwey­naha ku baaqey in la dhamey­stiro bar­naamijka isku dhafka ci­idammada, kaas oo si hu­fan ku bilow­day, loona baa­han ya­hay in taageero bu­uxda loo fidiyo si loo helo ci­idan hu­fan oo qaranka Soomaaliy­eed uu leeya­hay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Max­a­m­uud ayaa dhanka kale ku baaqey in la iska kaashado la da­gaalanka ar­gag­ix­isada.

“Iyadoo koox­aha ar­gag­ix­isada ay samey­nayaan falal ay dadka kaga dhaad­hic­i­nayaan fikirkooda, dhex­doo­dana uu ka jiro iskaashi, ayaa waxaa loo baa­han ya­hay in­aan in­aguma mowqif mid ah ka yee­lano. Waa inuu ji­raa dadaal heer gobol ah oo aan u wada dhan­na­hay , kaas oo looga soo hor­jeedo Al Shabaab. Qor­she noocaas ah waxaa uu su­uragelin karaa in­aan gebi ahaanba ka ad­kaano Al Shabab, isla markaana aan hor is­taagno in mali­ishiyaadka Bariga Afrika ay is­ba­heysi la sameystaan koox­aha kale ee ar­gag­ix­isada sida Boko Haram iyo ISIL”.