GLOBAL NEWS

Madaxweynaha Somalia oo sheegay in dagaalka Al-shabaab ay ku bedeli doonaan Xal Siyaasadeed


Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in xukuumadda uu hoggaaminayo ay raadinayso xal siyaasadeed intii ay awood ciidan u adeegsan lahayd soo af-jaridda kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Al-shabaab ayaa muddo sannooyin ah dagaal kula jirtay dowladda Somalia, si ay xukunka uga tuurto, balse taasi uma aanay suuro-gelin, waxaana bedelkeeda dhulka ballaaran looga qabsaday dagaallo ay iska garabsadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia.

“Waxaan hubnaa in Al-shabaab aan lagu baabi’in karin howlgallo ciidan oo keliya, wax walba waxay ku dhammaan karaan dib-u-heshiisiin,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray. “Mar hore ayaan natiijo ka helnay arrintan, tiro aad u badan oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab iyo saraakiishooda ayaa dhankeenna kusoo biiray, kuwaasoo qaatay nabadda kana soo baxay xag-jiriinta.”

Inkastoo Al-shabaab deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya laga saaray sannadihii u dambeeyay ayay haddana, waxay awoodaan inay weerarro ka geystaan goobo kala duwan oo Muqdisho ay ka mid tahay, iyadoo weerarkii ugu dambeeyay ku qaaday Hotel Saxafi, halkaasoo ay ku dileen 15-qof.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Al-Qaacida iyo ISIS ay yihiin xoogag isku mid ah oo aan wax naxariis ah u galayn aadanaha, isago ku taliyay in laga hortago khatartooda.

Madaxweynaha ayaa muujiyay in baahi loo qabo in dhaqaale ahaan iyo millateri ahaan la cunna-qabateeyo kooxaha xagjiriinta ah, wuxuuna qiray inuu ogsoon yahay in garab ka mid ah Al-shabaab ay ku biireen kooxda Islaamiga ah ee IS.

“Al-Qaacida iyo Daacish waa kooxo u taagan inay wax burburiyaan oo keliya; magacii ay doonaan ha wataanne waa shayaadiin isku mid ah oo aan dadka u naxariisan, naftoodana halligaya,” ayuu madaxweynaha Somalia mar kale yiri.

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu xusay fikradaha kooxahan inay yihiin kuwo isku mid ah, isagoo tusaale u soo qaatay in midba kan kale uu u geysto weerarro naxariis-darro ah.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa dhawaanahan waxaa ka dhex-jiray khilaaf salka ku haya ku biirista ururka Daacish, iyadoo arrintaan loo xirxiray saraakiil kala duwan oo ka tisran kooxda, kuwaasoo ay ku jiraan ajaanib.