GLOBAL NEWS

Madaxwey­naha So­ma­lia iyo Wasi­irada Ar­rimaha Dibadda Itoobiya iyo Kenya oo Gaaray Kisamayo


Wu­fuud ay kala hoggam­i­nayaan madaxweyne, Xasan Sheekh Max­a­m­uud iyo wasi­ir­rada ar­rimaha dibadda Kenya iyo Itoobiya ayaa goor-dhow gaaray Ma­g­a­al­ada Kismaayo ee xarunta gob­olka Jub­bada Hoose.

Xasan Sheekh, Aam­ina Max­amed iyo Tedros Ad­hanom ayaa u tagay Kismaayo sidii ay uga qay­bgeli la­haay­een caleemo-saarka gud­doonka go­laha baar­la­maanka maa­mulka Jub­ba­land ee dhawaan la dhisay.

Sida uu soo shee­gayo Wariyaha HOL ee Jub­booyinka Xasan Nuur, waxaa ku Qul-qulaya Kismaayo wu­fuud kala duwan oo ka socda maa­mul­lada dalka iyo dalalka dariska ah, si ay uga qay­b­galaan caleemo-saarka gud­doonka sare ee baar­la­maanka Jub­ba­land oo maanta la dha­caya Kismaayo.

Wufuuddan kala duwan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba oo uu ugu horreeyo madaxweynaha maamulkaas, Sheekh Axmed Madoobe.

Am­maanka guud ee ma­g­a­al­ada Kismaayo ayaa aad loo ad­keeyay; iyadoo lagu soo ro­gay xayi­raad qaar ka mid ah dhaqd­haqaqqyadii wad­dooyinka gu­daha Kismaayo mara, halka­soo lagu arkayo ci­idammo fara badan oo isugu jira kuwa maa­mulka iyo AMI­SOM.

Ma­g­a­al­ada Kismaayo ayaa waxaa ho­ray ugu sug­naa wafdi uu hog­gaam­i­nayo madaxweyne ku xigeenka Punt­land, C/​xakiin Xaaji Cumar Cameey oo maalin ka hor gaaray halkaas, is­a­goo shee­gay inuu u tagay Kismaayo ka qayb-galka caleemo-saarka gud­doonka baar­la­maanka Jub­ba­land.

Si kasta ha ahaa­tee, dhawaan ayaa la dhisay baar­la­maanka Jub­ba­land, kaas oo ka kooban 75-xub­nood oo qaarkood ay haween yi­hiin, inkas­too ay jir­tay in bee­laha qaarkood ay ka cowdeen xulista xub­naha baar­la­maankaas.