GLOBAL NEWS

Madaxwey­naha oo Mu­naasabada 15 May Awgeed Socod ku Maray Ji­dadka Muqdisho (SAWIRRO)


Madaxwey­naha Soomaaliya, Xasan Sh. Max­a­m­uud ayaa ugu ham­ba­ly­eeyay sha­cabka Soomaaliy­eed San­nad-gu­u­radii 72-aad ee ka­soo wa­reeg­tay mu­naasabadda 15-ka May oo ah markii la aasaasay dhaqd­haqaaqii xorn­i­madoonka ee ay horka­cay­een dhalin­yaro Soomaali ah.

Xaflad­dan awgeed ayuu madaxwey­naha So­ma­lia oo ay wehliyaan ku­man­naan qof waxay socod ku ma­reen qaar ka mid ah wad­dooyinka ma­g­a­al­ada Muqdisho, is­a­goo isla markaana ubax xusuus ah dhi­gay taal­ada SYL.

Socodka kaddib ayuu madaxweynuhu dad­weyne u badan dhallinyaro kula had­lay fa­gaaraha Daljirka daah­soon ee ma­g­a­al­ada Muqdisho, is­a­goo ka had­lay kalainta ay dhallinyaro walba ku leey­i­hiin dib u dhiska iyo ho­ru­mar­inta dalkooda.

“Fari­inta aan maanta idiin wado waxay tahay in dhallinyarada ay dalkooda dhis­taan. Ma jirto cid aan idinka ahayn oo wad­dankan uu u fad­hiyo. Dadaalka aad wad­daan waa in­aad sii la­ban­laab­taan.,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Is­a­goo sii had­laya ayuu in­taas ku daray. “Dhallinyaradii sameeyay ururkii SYL 72-sano ka hor waxay ahaay­een kuwo naftooda u hu­ray in Soomaaliya ay Xorowdo, maqaam sarena ay gaarto. Sidaa dar­teed wax­aan idin kula dar-daar­mayaa idinkoo taas ka shi­daal-qaadanayaa in­aad ku dhaqaaq­daan tal­laabo dalkan ho­ru­mar lagu gaar­siin karo.”

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh waxaa mu­naasabadda 15-ka May ku wehliyey xubno ka tir­san labada gole ee dowladda So­ma­lia, Saraakiil Sare oo ka tir­san ci­idamada, mas’u­uliyiin kale iyo urur­rada bul­shada rayidka.

vcmnuuoerfdtjtrzdsbvi20155156356727277203111773