GLOBAL NEWS

Madaxwey­naha Maa­mulka Punt­land oo Muqd­sho kaga Qayb-galaya shir Muhiim ah


Madaxwey­naha Punt­land, C/​weli Max­amed Cali Gaas iyo xubno ka tir­san go­layaasha maa­mulka Punt­land ayaa maanta ka an­babaxay ma­g­a­al­ada Gaalka­cyo ee xarunta gob­olka Mudug, iya­goo ku sii jeeda ma­g­a­al­ada Muqisho.

Wax­aan aniga iyo madaxda ila so­co­toba aan u tagay­naa Muqdisho ka qayb-galka shir muhiim ah oo looga had­layo doorashooyinka dalka ka qab­soomi doona sanad­kan 2016-ka,“ ayuu yiri madaxwey­naha Punt­land oo war­baahinta kula had­lay Gaalka­cyo ka hor in­tii uu­san dhoofin.

“Mowqifka Punt­land ee shirkan wuxuu no­qon­ayaa mid ay dani igu jirto sha­cabka Punt­land iyo wal­iba umadda kale ee Soomaaliy­eed “ ayuu mar kale yiri madaxwey­naha oo aan faah-faahin dheeri ah ka bixin waxa uga qor­shaysan shirkaas.

Qaar ka mid ah go­laha wasi­irada Punt­land, maa­mulka gob­olka Mudug iyo dad­weyne tiro ah ayaa madaxwey­naha ku sa­gootiyay ga­roonka diyaaradaha ee ma­g­a­al­ada Gaalka­cyo, iyadoo si weyn loo ad­keeyay am­niga.

Madaxwey­naha Punt­land Cab­di­wali Max­amed Cali Gaas ayaa ku bi­iri doona madaxda ka qayb-galaysa shirkan looga tashanayo mus­taqbalka Soom­liya ,wax­aana lagu wadaa in ay goob-joog ka no­q­daan xubno mata­laya dowladaha da­neeya ar­rimaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, shirkan oon ahayn kii ugu horeeyay oo lagu qabto gu­daha So­ma­liya ayaa sidoo kale waxaa ka qayb-gali doona madax ka so­cota maa­mu­lada Jub­ba­land, Gal-Mudug iyo wal­iba Koo­fur Gal­beed.