GLOBAL NEWS

Maa­mulka Punt­land oo ka baxay Shirka ka socda Muqdisho ee looga Had­layo Doorashada 2016-ka


Maa­mulka Punt­land ayaa is­aga baxay shirka Wada-tashiga ee Muqdisho ka Fur­may, kaa­soo looga Had­layo Doorashooyinka ka dhaci doono So­ma­lia marka la gaaro San­nadka 2016-ka.

Shirka oo sha­lay Gellinkii dambe ka fur­may Xarunta Madax­tooy­ada So­ma­lia ayaa maanta galay maal­in­tii labaad, iyadoo wararku ay shee­gayaan in sababta ay uga bax­day Punt­land shirka ay tahay iyadoo di­id­dan Maa­mul-gob­oleedka Gal­mudug ee dhawaan lagu dhisay Cadaado.

Wafdigii uu Horka­cayay Madaxwey­naha Punt­land, C/​weli Max­amed Cali ayaa la shee­gay inay gabi ahaan is­aga bax­een shirka, iyadoo wararka ay shee­gayaan in ay soc­daan dadaallo lagu doon­ayo in dib shirka loogu soo celiyo C/​weli Gaas iyo Wafdigi­isa.

Madaxwey­naha Punt­land, C/​weli Gaas ayaa sha­lay markii uu ka­soo Gaalka­cyo ka­soo du­u­layay wuxuu War­baahinta u shee­gay in Mowqifkii Punt­land aysan waxba iska be­delin, is­a­goo xusay in shirka ay ka sheegi doon­aan mowqifka ay aamisan yi­hiin.

Dhanka kale, Shirkaan maal­in­tii labaad ayaa waxaa looga had­lay Ar­rimo ay ka mid yi­hiin sida ay no­qon­ayso doorashada dha­caysa San­nadka 2016-ka, markaas oo uu xil­liga dowladda hadda shaqey­naysa ku eg-ya­hay.

– See more at: http://​hi­iraan.com/​news/​2015/​Sept/​warar­ka_­maan­ta20-93091.htm#sthash.DxRvVXzp.dpuf