GLOBAL NEWS

Maa­mulka Koon­fur-gal­beed oo Xad-gudub ku Eedeeyay Jub­ba­land iyo Eedeysayaal la Xuku­may


Wasi­irka war­faafinta maa­mulka KMG ah ee Koon­fur-gal­beed So­ma­lia, Ugaas Xasan Cabdi ayaa war­baahinta Bay­d­habo u sheegey in hes­hi­iskii ka dhax­eeyay Koon­fur-gal­beed iyo maa­mulka Jubba ay ka bax­een maa­mulka Jub­ba­land, taa­soo ahayd in maa­mulka Jub­ba­land uu si cadaalad ah awoodda ugu qay­biyo dee­gaan­nada uu ka taliyo.

Ugaas Xasan ayaa sheegey in sed-bursi uu ka jiro Qayb­siga Xild­hibaan­nada Baar­la­maanka maa­mulka Jub­ba­land ee dhawaan la­soo dhisay, kaa­soo lagu wado in maanta gud­doonki­isa lagu caleemo-saaro gu­doonka baar­la­maanka Jub­b­land.

Sidoo kale, wasi­irka war­faafinta Koon­fur-gal­beed ayaa ka Cod­sa­day Bee­sha Caalamka iyo dowladda So­ma­lia in­aysan taageerin xub­naha baar­la­maanka Jubba, waayo ma ahan buu yiri mid cadaalad ku dhisan, is­a­goo xusay inay dhankooda ilaalin doonaa nidaamka sharci ee maa­mul gob­aleedyadu ay ku hes­hi­iy­een.

Dhanka kale, maxka­madda ci­idamada qaybta 60-aad ee fad­higeedu ya­hay xarunta deg­mada Bay­d­habo ayaa ee­daysanayaal ku ka­cay fal-bur­cad­nimo ku xukun­tay xukun dil toogasho, eedeysanayaashan ayaa la shee­gay in mid ka mid ah uu rasaas ku fu­ray gaari rakaab si­day taa­soo ay ku geeriy­ood­een dad­kii sha­cab ahaa ee saar­naa gaariga.

Ugu dambeyn, eedeysanaha rasaasta ku fu­ray gaariga rakaabka sida ayaa lagu ma­g­a­caabaa; Nu­urow Mad-nuur Mad-kheer, iyadoo lagu xuku­may dil toogasho ah, ee­daysanaasha kale oo kala ah; Ibraahim Cali iyo Cus­maan Max­amed Baariy­oow ayaa iya­gana mid­ki­iba lagu xuku­may min shan sano oo xabsi.