GLOBAL NEWS

Ku­la­madii Baar­la­maanka So­ma­lia oo la Hakiyay iyadoo ay Hor-yaal­laan MOOSHINNO is-di­id­dan


Ku­lam­madii Baar­la­maanka So­ma­lia ayaa Maanta hakad la geliyay, xilli ay Baar­la­maanka ho­ryaal­laan Mooshinno iska soo hor­jeeda; iyadoo gu­doonka Baar­la­maanka So­ma­lia uu shee­gay in hakadka uu so­conayo inta Xa­jka laga soo laa­banayo.

Hab-dhowraha Baar­la­maanka Soomaaliya, Xild­hibaan Max­amed Cumar Max­a­m­uud oo ka had­lay hak­inta la geliyay ku­lam­madii Baar­la­maanka ayaa shee­gay in­aan la oran karin inay Fasax-galayaan ayna sii so­conayaan Ku­lam­mada xalka loogu raad­i­nayo Mooshinka Xil-ka-Qaadista ee Madaxweyne Xasan Sh. Max­a­m­uud ay ka Gud­biy­een Xild­hibaanno ka mid ah kuwa Baar­la­maanka So­ma­lia.

“Ma dhihi karno fasax ayaa la galay, balse Gud­doomiyaha Baar­la­maanka ayaa ku Shee­gay Ar­rin­taan in Xild­hib­naanada inta badan ay soo gu­danayaan Waa­jibka Xa­jka ee San­nad­kan; Wux­u­una Xusay in inta laga soo Laa­banayo Xa­jka ay hakad ku ji­rayaan ku­la­madii caadiga ahaa ee baar­la­maanka, laaki­inse ay sii so­con doon­aan Ar­rimaha looga had­layo Mooshin­nda iska-soo-hor­jeeda maadaama Dhi­na­cyadu ay ogo­laadeen in wada­hadal laga galo Ar­rin­tan,” ayuu yiri Xlid­hibaan Max­amed Cumar oo jawaab ka bix­i­nayay in ku­la­mada Baar­la­maanka So­ma­lia la­soo xi­ray iyo in kale.

Sidoo kale, Hab-dhowraha Baar­la­maanka Soomaaliya ayaa in­taas ku daray in aysan dhici doonin Ku­lam­madii Caadiga ahaa ee Baar­la­maanka inta laga soo laa­banayo Xa­jka, Balse Ku­lam­mada kale ee ku aad­dan Mooshin­nada oo uu Gar-wadeenka ka ya­hay Jawaari ay sii so­con doon­aan.

Xild­hibaan­nada Baar­la­maanka qaarkood ayaa qaba in sababta aan sida Ras­miga ah loogu xirin kal-fad­hiyadii baar­la­maanka ay tahay in marka la isku laabto ee la doon­ayo in kal-fad­higa tod­dobaad ee baar­la­maanka la fu­rayo ay tahay inuu furo Madaxwey­naha So­ma­lia, taasina ay ad­kaan karto maadaama xild­hibaanno badan ay ka­soo hor­jeedaan siyaasadda Madaxwey­naha.

Hab-dhowraha Baar­la­maanka So­ma­lia Xild­hibaan, Max­amed Cumar oo ar­rin­tan ay wax ka wey­di­isay VOA-da ayaa kaga jawaabay. “Aragti ahaan anigu wax­aan qabaa in sida uu u dhi­gay baar­la­maanka ay tahay, maadaama 40-xild­hibaan ay u Am­babax­ayaan gu­dashada waa­jibka xa­jka ayna ad­kaan karto inay ku­la­mada caadiga ah ee Baar­la­maanka ay sii so­con doon­aan, lana wayn karo in 139 Mu­dane oo ah kooramka ay ku­lam­madu ku furmi karaan.

Dhi­naca kale, Xild­hibaan­nada Baar­la­maanka So­ma­lia ayaa Maanta Cod Aq-labiyad ah ku An­sixiyay dhis­maha go­laha wada-tashiga Qaranka oo Hor-yaal­lay Baar­la­maanka So­ma­lia, kaa­soo how­shi­isu no­qon­ayso ji­heynta habka siyaasadeed iyo Tabaha lagu gaarayo Hi­igsiga Sanadka 2016-ka ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Gud­doomiyaha Baar­la­maanka So­ma­lia, Max­amed Sheekh Cis­maan Jawaari ayaa faray gud­diyada dhi­na­cyada mooshin­nada iska-soo-hor­jeeda keenay ay soo gud­biyaan Qodob­badii ay soo Diyaarsadeen, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu Mooshin­nada Mid­kood laga keenay uu Wada­hadalka u Waki­isay RW Cumar C/​rashiid Cali Shar­ma’arke.