GLOBAL NEWS

Kooxo hubeysan oo Ma­g­a­al­ada Muqdisho ku di­lay sarkaal ci­idan iyo Gud­doomiye Waax­eed


Kooxo bas­toolado ku hubeysan ayaa siyaabo kala duwan ugu di­lay Muqdisho sarkaal ka tir­sanaa ci­idamada aslu­ubta Soomaaliya iyo mid ka mid ah gud­domiye waax­eedyada deg­mada Dayni­ile.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray, C/llaahi Sarmaan, kaasoo lagu dilay isgoyska degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir oo ku dhow Suuqa Bakaaraha, iyadoo kooxihii dilkiisa geystay ay baxsadeen. Goob-joogayaal ayaa sheegay in sarkaalka ay dileen dhalliniyaro bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo dhowr xabbadood ku dhuftay sarkaalka, isagoo isla goobta lagu toogtay ku naf-baxay sarkaalkan.

Ci­idammo ka tir­san kuwa dowladda Soomaaliya ayaa goobta sarkaalka lagu di­lay gaaray, iya­goo howl­gallo ay sameey­een ku qab-qab­tay tiro dhallinyaro ah oo lala xiri­iri­nayo dilka sarkaalkan. Sidoo kale, kooxo dab­ley ah ayaa xalay ku di­lay deg­mada Dayni­ile ee gob­olka Ba­naadir, iyadoo dilka sarkaalkan uu dha­cay xilli uu ka­soo baxay masjid uu ku­soo tuka­day salaad­dii Cishaha. Dad goob­joogayaal ah ayaa shee­gay in dilka sarkaalkan ay geysteen sad­dex dhallinyaro ah oo bas­toolado ku hubeysan kuwaa­soo baxsa­day, iyadoo lagu ma­g­a­caabi ji­ray gud­doomiye waax­eedka la di­lay, Ibraahim Max­amed Bari­ise.

Inkas­too aysan jirin weli cid shee­gatay mas’u­uliyadda dilka sarkaalka iyo gud­doomiyaha ka tis­ranaa maa­mulka deg­mada Dayni­ile, laaki­inse di­lalka noocan oo kale ah ayaa waxaa inta badan shee­gata Al-shabaab oo da­gaal kula jirta dowladda FS iyo ci­idamada gacanta si­inaya ee AMI­SOM.

Si kastaba ha ahaa­tee, di­lalkan ayaa waxay ku­soo beeg­mayaa xilli dhowrkii maal­mood ee la­soo dhaafay ay Muqdisho ka dha­cay­een di­lal qor­sheysan oo loo geystay sarkaalkiil ci­idan iyo xild­hibaan ka tir­sanaa baar­la­maankii KMG ahaa ee So­ma­lia oo sha­lay ka dha­cay Su­uqa Bakaaraha.