GLOBAL NEWS

Khud­bad­dii Khaalid Ma­cow C/​qaadir, Mushar­raxa Gud­doomiye Ku-xigeenka 1aad


Waxaa maanta ka fur­may Muqdisho fadhi Go­laha Shacbigu ku dhe­gaysanay­een Mushar­raxi­inta u tar­ta­maya xilka Gud­doonka Baar­la­maanka, wax­aana fad­hi­gaas lagu dhegeystay khud­bado tar­ta­mayaasha Ja­gada Gud­doomiyaha iyo Gud­doomiye Ku-xigeenka 1aad, oo ay dad badani u shar­raxan yi­hiin.

Wax­aan halkan hoose idi­inku soo gud­bi­nay­naa khud­bad­dii mushar­raxn­i­mada Xild­hibaan Khaalid Ma­cow Cab­dulqaadir, oo dham­may­sti­ran:-

” Gud­doomiyaha KMG Go­laha Shacbiga iyo Xild­hibaanada Baar­la­maanka 10aad, iga gud­dooma salaan iyo ham­bal­ayo xilka cu­lus ee la inoo dhaariyey, maal­in­tii 27 De­cem­ber 2016.

Wax­aan Eebbe ka baryayaa in uu noo fududeeyo ma­su­uliyadda aan ma­g­aca Ilaa­hay ugu dhaaranay shacbiga Soomaaliy­eed, si waafaqsan Das­tu­urka Jamhu­uriyadda FS.

Xub­naha Baar­la­maanka 10aad, Mu­danayaal iyo Mar­wooyin,

Sharaf bay ii tahay in aan maanta hor­ti­inna imaado, kuna dhawaaqo Mushar­raxn­i­mada xilka Gud­doomiye Ku-xigeenka 1aad ee Go­laha Sha­cabka. Hase ahaa­tee, inta aanan hore u sii gelin sababaha aan u rumeysna­hay in aan xilkaas si wanaagsan u gu­dan doono, wax­aan je­cla­hay in aan si kooban, oo aad u urur­san aan marka hore is­aga war­bixiyo.

Ma­g­a­caygu waa Khaalid Ma­cow Cab­dulqaadir, oo ku dhashay Deg­mada Xa­mar-weyne ee ma­g­a­al­ada Muqdisho. Iyada ayaan ku soo bar­baaray, ku soo hana-qaa­day, wax­aana ka soo baxay Dugsiga Sare ee Raage Ugaas ee Deg­mada Xa­mar-ja­jab.

In­tii aan weli dugsiga sare dhi­ganayey, wax­aan si fir­fir­coon uga qayb-qaatay hawlo dhallinyarada iyo dad­weynuhu qa­ban jireen bilowgii hore ee Ka­caanka, waana yaraa mashruuc Xa­mar laga fuliyey, oo aanan xil­li­gaas iskaa Wax-u-qabso uga qay­bgelin: Ji­dad la xaaqayo, dugsiyo la dhisayo, beero la falayo,….

Sanadi­hii 1973-74 wax­aan ka mid ahaa dhallinyaro waxbarasho loogu di­ray dal hadda ka maqan Khari­idadda ad­du­unka. Waa dalkii loo yiqiin Jar­malka Bari (Ger­man De­mo­c­ra­tic Re­pub­lic). Waxbarasho xagga siyaasadda, diyaar­inta Kaadarka iyo cu­lu­unta bul­shada ayaan ku soo qaadanay, ka dibna wax­aan shaqo ka bi­laaby Xafi­iskii Siyaasadda Madax­tooy­ada Goli­hii Sare ee Ka­caanka, muddo yar ka dibna wax­aan waxbarasho Jaa­macadeed u aa­day dalka Talyaaniga, oo aan ka soo qalin-je­biyey Jaa­macadda Urbino –Italy.

  • Takha­sus Taari­ikhda Fanka ku sameeyey Ravenna -Italy.
  • Takha­sus xagga Sax­aafadda iyo Tec­knolo­jiyada daaba­caadda Jaa­macadda Urbino-Italy.
  • Takha­sus xagga daaba­caadda iyo waxbaahinta, Lon­don Col­lege of Print­ing and Pub­lish­ing.

Dham­maad­kii 1979kii ayaan dalka ku soo no­q­day, wax­aana shaqo ka bi­laabay Waax lagu ma­g­a­caabi ji­ray ‘Waaxda Baroba­gaan­da’. Wax­aan madax u ahaa koox far­shaxan (artists) ah, oo gacanta wax ka sawira. Isla markaas, wax­aan Bare-kaaliye (As­sis­tant Lec­turer) ka ahaa Kul­liyadda Sax­aafadda, oo markii dambena aan si toos ah ugu soo wa­ree­gay Jaa­macadda Um­madda.

Wax­aan ka mid ahaa Xild­hibaanadii Go­laha Sha­cabka ee ugu dambeeyey, 1985- 1990, xuku­umad­dii dhexe. Isla markaas, in­tii u dhex­ey­sey Ok­too­bar 1985 ilaa Febraayo 1990, waxaa soo bax­ayey Wargeyskii caanka ahaa ee “Ogaal”. Kaas oo aan ka mid ahaa qo­rayaashi­isii sare.

Sanadi­hii dambe, wax­aan ku noolaa ma­g­a­al­ada Lon­don, wax­aana 1997kii wax ka abu­u­ray Wargeyska Kasmo, oo aan Tifaftire Ku-xigeen ka ahaa. Waa Wargeyska markii dambe ku gu­u­leysan doona Abaal­gudka Wargeysyada Lon­don (The Lon­don Press Awards), San­nad­kii 2006.

Wargeysku wuxuu 18-gu­u­radi­isii (2015) ku maa­muusay soo band­higista buug lagu ma­g­a­caabo ”Xusu­usta Kuwii Xabaal Galay”. Waa buug lagu xusay, loo­guna dabaalde­gay noloshii qaar ka mid ah hal­door­radii Um­madda Soomaaliy­eed ee geeriy­oo­day mu­dadii bur­burka iyo da­gaalka so­ke­eye lagu ji­ray.

Xild­hibaan Saado Cali Warsame, oo aad wada xusu­usa­taan halkii ay dha­gar-qabayaashu ku dileen ayaa ka mid ah dadka bu­ug­gaas ku jira. Waxaa kaloo ku jira Gud­doomiy­i­hii Baar­la­maanka ee 1967-1969kii, Sheekh Mukhtaar Max­amed Xuseen, oo xarunta aan maanta ku shir­san­na­hay ay calool-gashay, la hind­disay in­tii uu ahaa Gud­doomiyaha Baar­la­maanka, laakiin dhis­maha Mashru­ucu hir­galay hor­raan­tii 70-naad­kii.

Wareysi dheer oo Gud­doomiye Sheekh Mukhtaar si­iyey Wargeyska Kasmo ayaa bu­ugga ku soo baxay, wux­u­una si faah­faah­san uga had­layaa dilkii Madaxweyne Cab­di­rashiid Cali Shar­maarke, oo uu dhinac fad­hiyey marka la di­layo. Wareysi­gaasi waa xogta ugu sugan oo laga hayo sidii loo di­lay iyo daqi­iqadi­hii ugu dambeeyey noloshii Madaxweyne Cab­di­rashiid Cali Shar­maarke.

Waxaa Bu­ugga ku jira wareysi iyo qo­raallo ay leey­i­hiin Madaxweyne Aadan Cab­dulle Cus­maan iyo Ra’i­isal Wasaare Cab­dirisaaq Xaaji Xuseen.

Bu­ugga Xusu­usta Kuwii Xabaal Galay waxaa si weyn uga dhex muuqda noloshii iyo hal­gankii, ha­l­abu­urkii iyo shakhsiyad­dii Ab­waanno, aqoonya­hanno iyo Hobollo waaweyn ee um­madda Soomaaliy­eed ka baxay, xil­liyadii dhowaa, oo ay ka mid ahaay­een:-

– Cab­dul­laahi Qarshe, Xuseen Aw-faarax, – Cab­dulqaadir Xirsi Yamyam, Cabdi Mux­u­mad Amiin, Cab­dulle Raage Taraawiil, Xasan Sheekh Muumin, Axmed Max­amed Ku­luc, Dr Daahir Nuur Raafi, Prof Axmed Nuur Yu­usuf, Faad­umo Qaasim Hilowle, Cab­dul­laahi Macallin Dhoodaan, Yu­usuf Xaaji Aden, Dr Cumar Cus­maan Raabi, Shire Jaa­mac Axmed, Dr Max­amed Adan Sheekh, Sa­hal Macalin Ci­ise, Cali Mali­ix­aan, Prof Axmed Ashkir Bootaan, Xali­imo Khaliif Ma­gool, Xuseen Sheekh Axmed Kad­dare, iyo qaar kaloo badan..

Bu­uggu wuxuu been­i­nayaa maah­maahda Soomaaliy­eed ee tiraah­da’ “Qof dhin­tay, Kabi­hi­isaa ka roon!” – wax­aana qor­nay Aniga iyo Cab­dulqaadir Shire Faarax.

Xub­naha Baar­la­maanka 10aad, Mu­danayaal iyo Mar­wooyin,

Wax­aan ka kooban na­hay xild­hibaanno ka soo mid no­q­day Baar­la­maankii hore, oo xog-ogaal­nimo iyo waayo-arag­n­imo bal­laaran leh, iyo xild­hibaano cusub, dhallinyaro u badan. Labadooda oo la isku daray, baar­la­maanka 10aad waa ka fur­sad fi­ican ya­hay kii 9aad, oo du­ru­ufo adag oo badani la soo darseen.

Soomaaliya waa dal da­gaal so­ke­eye uu wi­iqay, waxa ugu hor­reeya oo ay ku soo ka­ban kar­tana waa hey’adi­hii dawliga ahaa oo shaqeeya. Hey’ada­haas waxaa asaas u ah Gole Shacbi oo leh Gud­doon ilaaliya hay­badda, Mid­ni­mada, xush­mada iyo Xas­aanadda Xild­hibaanadi­isa, si ay u gutaan hawlaha sald­higga u ah dawlad­ni­mada.

Dhi­naca kale, muuqaalka uu yeesho Gud­doonka Baar­la­maanku, waxay saameyn ku yee­lan doon­taa ilaal­inta Xeer-hoosaadka Baar­la­maanka; Ilaal­inta mid­ni­mada, an­shaxa iyo xas­aanadda Xild­hibaanada; Hawl­gelinta gud­diyada kala duwan ee Baar­la­maanka, iwm.

Xild­hibaanada Baar­la­maanka 10aad, Mu­danayaal iyo Mar­wooyin,

Ani­goo ku kalsoon waayo-arag­n­i­ma­dayda iyo aqoon­tayda. Ani­goo og­soon, fa­ham­san ma­su­uliyadda weyn ee ay igu keenayso, ayaan wax­aan isku soo shar­raxay Gud­doomiye Ku-xigeenka 1aad ee Go­laha Shacbiga ee Baar­la­maanka 10aad.

Had­dii aad ii doorataan Gud­doomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baar­la­maanka, marka laga reebo hawl­maalmeedka caadiga ah ee shaqadi­isa, ay ka mid tahay in uu gud­doomiyo fad­hiyada Baar­la­maanka, marka Gud­doomiyuhu uu­san fad­hiyin Go­laha.

Marka aan ahay Gud­doomiye Ku-xigeenka 1aad, wax­aan shaqa­dayda sald­hig uga dhigi doonaa sad­dex jiho, oo aan u arkayo in ay hal­bowle u yi­hiin in Baar­la­maanka 10aad ku gu­u­leysto hawlaha cu­lus ee ho­ryaal. Waxay kala yi­hiin:-

Jihada Koowaad: Sarreynta Qaanuunka

  1. Ku dhaqanka iyo ilaal­inta Das­tu­urka KMG ah.
  2. De­jinta shu­ru­ucda lagu maa­mu­layo hey’adaha dawladda.
  3. La xisaab­tanka xuku­umadda iyo hey’adaha dawladda
  4. Ho­ru­mar­inta dhaqanka isla xisaab­tanka dawlad­nimo
  5. La da­gaal­lanka Musuqa iyo eexda
  6. La waayo cid is­moodda in ay ka sar­reyso Qaanu­unka.

Jihada Labaad: Nabadgelyada iyo Xushmada Baarlamaanka

1. Ilaal­inta nabadgelyada Baar­la­maanka, iyadoo laga ilaali­nayo di­laaga ugu weyn ee Baar­la­maan­nada “Cor­rup­tion”. Waxay ka dhi­gan tahay dil baar­la­maanka oo idil ku yimid, waana og­na­hay – fu­lay xan­ti­isa ma moogee – cab­sida bul­shadu qabto, laga bi­laabo doorashada soo fool leh ee Madaxwey­naha.

2. “Iimaan Al­laa uur bu­ushee”, wax­aan ku dadaali doonaa in Gud­doonka aan ka mid ahay uu Baar­la­maanka ku hog­gaamiyo han ka sar­reeya in aan du­ru­uf­taas ku dhacno.

3. Ar­rinta kale ee nabadgelyada Baar­la­maanka waa tan ka imaanaysa dhi­naca koox­aha xagjirka ah. Wax­aana soo jeedin doonaa in dib u eegis lagu sameeyo nabadgelyada iyo nolosha Xild­hibaanada, ay ku jirto gunno nabadge­lyo, iyo guno joog­i­taan (At­ten­dance Al­lowance) ee ka qay­b­galka fad­hiyada Baar­la­maanka.

4. Gud­doonka Baar­la­maan ee aan ka mid ahay wuxuu xoo­jin doonaa ilaal­inta Xeer-hoosaadka Baar­la­maanka; ilaal­inta mid­ni­mada, an­shaxa iyo xas­aanadda Xild­hibaanada; Hawl­gelinta gud­diyada kala duwan ee Baar­la­maanka.

5. Wax­aan soo jeedin doonaa Kal-fadhi gaar u ah an­shaxa iyo ma­su­uliyadda wada­reed ee in­aga saaran in aan naf­teenna iyo Baar­la­maank­aba ka ilaalinno ku mi­lanka Musuq-maa­suqa iyo gacanta ay soo fid­i­nayaan rag xil-doon ahi.

Jihada Saddexaad: Horumarinta Baarlamaanka

  1. Day­ac­tir iyo cas­riyeyn Guriga Um­madda, la­guna soo celiyo sidii u ahaan ji­ray
  1. Dib loo dhiso Ex-xarun­tii Baar­la­maankii hore, iyadoo la ilaali­nayo naqshad­dii uu caanka ku ahaa ee asalka ahayd.
  1. Wax­aan u hawl­geli doonaa in gud­doonku qaado tillaa­booyin lagu ho­ru­mari­nayo aqoonta iyo waayo-arag­n­i­mada xild­hibaanka ee shaqada Baar­la­maan­ni­mada
  1. Wax­aan kaloo soo jeedin doonaa mashruuc lagu darsayo Baar­la­maanadii hore, laga soo bi­laabo Baar­la­maankii ugu hor­reeyey oo So­mali yee­lato. Ujeedadu waa in Baar­la­maanka loo abu­uro dhaqan iyo raad-raac taari­ikheed: Shar­ciyadii ay de­jiy­een, doo­d­i­hii, hadal-qo­raal­ladii, tiradii iyo ma­g­a­cyadii mu­danayaashii xub­naha ka ahaa Baar­la­maanadaas, gud­diyadii iyo gud­doomadii, iwm.
  1. La wareysto xub­ni­hii ka mid ahaa Baar­la­maanadaas, iyadoo laga soo bi­laabayo kuwii ugu hor­reeyey.
  1. Waa xarun xog-kay­din, oo su­ur­to­ge­lisa in cilmi-baaris lagu sameeyo, ar­dada Jaa­macadaha iyo qaanuun-ya­han­naduna xog u soo doon­taan, daraasaad iyo qalin-je­binna lagu sameeyo.
  1. Wax­aan si laab-fu­ran u soo dhoweyn doonaa hal-abu­urka, talooyinka iyo aragtiyaha xild­hibaanada saaxi­iba­day ah ee Baar­la­maanka.

Gunaanad

Qodobadaas aan soo shee­gay had­dii aan ka dhabeeno, wax­aan aamin­san na­hay in Baar­la­maanka 10aad, afar sano ka dib, uu gadaal u soo fi­irin doono wax qurx­oon oo uu soo qab­tay iyo Soomaaliya ka duwan tan ay maanta joogto.

Wax­aan rumeysna­hay in ayan jirin wax in­aga hor-joogsan kara in aan gaarno him­i­ladaas. Sidaas dar­teed, dham­maan Xild­hibaan­nada Baar­la­maanka 10aad, gab­dho iyo ragba, wax­aan ka cod­sanayaa in aad cod­ki­ina I si­isaan, Doorashada Gud­doomiye Ku-xigeenka Koowaad.

Wax­aan bal­lan-qaa­dayaa in aanan ka hoos marin halka aad iga fi­laysaan.

I will not let you down!

Waad mahdsan tihiin

Xildhibaan Khaalid Macow C/qaadir