GLOBAL NEWS

Kenya oo sheegay inay Qabtay Xoogag ka Tirsan Xubnaha Al-shabaab ee ku Sugan Kaymaha Boni


Ciidamada amniga Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo ay ku tuhmayaan inay ka tirsan yihiin xubnaha Al-shabaab ee ka dagaallama dhulka kaynta badan ee Boni oo ka tirsan deegaanka Lamu-Kenya.

Tuhmanayaashan la qabtay ayaa waxaa ku jira laba qof oo u dhashay Tanzania; waxaana lagu wareejiyay ciidamada la dagaallanka argagaxisada ee dalka Kenya; sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga Kenya.

Madaxa howlgallada deegaanka ku caan-baxay kaymaha ee Boni, James Ole Serian ayaa u sheegay warbaahinta in hawlgalladooda ay ku burburiyeen shan saldhig oo Al-shabaab ku sugnaayeen, isagoo intaas ku daray in howlgalka uu guul kusoo dhammaaday.

“Waxaan howlgalka kusoo xirxirnay tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, waxaanan ku wareejinay booliiska oo su’aalo weydiinaya, intaas kaddibna waxaa la horgeyn doonaa maxkamadda,” ayuu yiri Ole Serian.

Ole Seiran wuxuu sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay la bur-buriyay 13 xarumood oo ay kooxaha jihaad-doonka ahi weerarrada kasoo abaabuli jireen, kuwaasoo beegsan jiray deegaannada ku yaalla xeebaha dalka Kenya.

Sidoo kale, saraakiil ka tirsan millateriga iyo booliiska dalka Kenya ayaa sheegay inay weli xoogagga Al-shabaab awood ku leeyihiin Kaymaha fog ee deegaanka Boni, halkaas oo ay kula nool yihiin qoysaskooda.

“Waxaanu hirgelinay sagaal saldig oo cusub, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Mararani, Nguo, Witu, Bodhei, Mangai iyo kuwo kale saldhigyadaas oo ay ciidamada ammaanka Kenya ka howlgalayaan, waxaan kaloo dhismay xarun gurmadka deg-degga ah,” ayuu mar kale yiri Ole Serian.

Isagoo sii hadlayaya James Ole Serian ayuu sheegay in howlgalkooda ay sii wadi doonaan illaa deegaanka Boni ay ka dhigaan goob ammaan ah, wuxuuna xusay in howlgalkooda ay rajeynayaan inay saddex bilood kusoo afjraan, balse ay dhici karta buu yiri in howlgalku uu qaato muddo laba sanadood ah.

Xarakada Al-shabaab ayaa horay uga digay shacabka ku nool deegaankaas iyo hareerihiisa inay joogitaankooda halkaas ku wargeliyaan ciidamada amaanka dalka Kenya, iyagoo ugu goodiyay inay layn doonaan haddii ay joogitaankooda ciidanka ku wargeliyaan.

Dhanka kale, Kaymaha Boni waxaa ku hareeraysa saddex saldhig oo ay ciidamada Kenya leeyihiin, kuwaasoo mid ay ku taallo inta u dhexeysa Milimani iyo Basuba, midka labaad ayaa isagana ku yaalla inta u dhexeysa deegaanada Kiunga iyo Ijara iyo kan saddexaad oo ku yaalla Bargoni, kaasoo ah kan ugu weyn.

Ugu dambeyn, dalka Kenya ayaa waxaa tan iyo sannadkii 1998-kii ka dhacayay falal ay ka dambeeyaa kooxo argagaxiso ah, kuwaasoo lagu dilay dad badan oo shacab ah, iyadoo Al-shabaab ay sannadihii u dambeeyay iyaduna weerarro ka geysanaysay gudaha Kenya.